Layaab!: Xuskii Dorraad Ee Maalinta Cuntada Adduunka Iyo Cuntooyinka Layaabka Leh Ee Dad Badani Dunida Ka Quutaan

0
990

Dorraad oo Bishan Oktoobar ku beegnayd 16 waxa dunida laga xusay maalinta qaramada Midoobay u astaysay maalinta cuntada adduunka. Dadka dunida ku nooli isku dookh kama aha cunnooyinka ay quutaan. Qaar adiga kula xun oo aanad afka saarteen ayaa kuwo kale malab iyo macaan la ah. Shabakadda BBC-da ayaa soo ururisay qayb yar oo ka mid ah cuntooyinka layaabka leh ee dadka qaar dunida aadka uga jecel yihiin waxaana ka mid ah tusaale ahaan waddanka Talyaaniga waxa aad looga jecel yahay Keeg laga farsameeyey Daqiiq, Beed iyo Dirxi la isku walaaqay. Waxa loo yaqaannaa (maggot-ridden cheese), waxaanu ka mid yahay cuntooyinka sida weyn looga qaddariyo Talyaaniga. Waxaana si gaar ah u jecel dadka ku nool  Jasiiradda Sardinia.

Xubinta taranka ee dibida oo cunto laga sameeyey waligaa ma maqashay. Waxaa loo cunaa sababo lagu sheegay faa’iidooyin caafimaad oo uu leeyahay, inkastoo la sheego inuu waxyeello u geysto awoodda taranka. Sida laga soo xigtay khubarada, haweenka ayey u wanaagsantahay iney cunaan qeybaha cad ee hilibka ku yaalla xubintaas, halka raggana ay u wanaagsantahay iney cunaan qeybihiisa madow. Waxa aad looga cunaa waddamada Asia gaar ahaan waddanka Shiinaha.

Cuntada layaabka leh ee dad badani aad u jecel yihiin gaar ahaan waddanka Uganda waxa ka mid ah xasharaadka Ayaxa oo la qallajiyey. Halki laga isticmaali lahaa baradho la warshadeeyay oo la qallajiyay, Ayaxa la dubay ayaa si weyn looga dalbadaa makhaayadaha dalka Uganda iyo waddamo kale oo ku yaalla qaaradda Africa. Ayaxa oo la cuno waxa hore aynu ugu maqalnay dalalka Carbeed ee Jasiiradda Carabta. Dadka dhinaca cuntada ku xeel dheer ee dalalka Uganda waxay dadkooda kula taliyaan in lagu cabo khamriga. Muddo dheer ayaa laga mamnuucayay haweenka waddamadaas iney cunaan Ayaxa, iyadoo la aaminsanyahay in haddii ay cunaan ay dhalayaan carruur madaxoodu uu u egyahay Ayax.

Waddanka Mexico waxa aad looga jecel yahay beedka qudhaanjada. Sida ay sheegeen dadka cilmiga u leh taariikhda, Beedka Qudhaanjada ee laga soo saaro geedaha iyo Dirxiga ayey raashin ahaan u isticmaali jireed dad ku noolaan jiray waddamo uu ka mid yahay ka maanta loo yaqaanno Mexico. Raashinka noocaas ah ayay ku dubi jireen basbaas waxaana loo tix galin jiray qaar ka mid ah cuntooyinka ugu wanaagsan. Khubarada ayaa intaas ku dartay in raashinka noocaas ah uu aad qaali u ahaan jiray.

Waddamo ay ka mid yihiin Afghanistan, Iiraan iyo Ciraaq waxa aad looga jecel yahay cunista Madaxa Adhiga oo xataa maskaxda adhiga lagu cuno. Goobo badan oo ku kala yaalla magaalooyinka Tehraan, Kaabul iyo Baqdaad waxa dadku kuyuu ugu jiraan habeenkii Madax Adhi oo maskaxdiisa wata.

Waddanka Peru isna waxa aad looga jecel yahay Raha oo inta la ridqo maraq ahaan loo cabo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here