Laba Kooxood Oo Ku Hirdamaya Awoodda Maamul Ee Madaxtooyada Somaliland Oo Saamayn Xoogleh Ku Yeeshay Hanaankii Iyo Geedi Socodkii Shaqo Ee Qasriga Dalka Looga Arrimiyo Iyo Dhibta Ay Dadku Kala Kulmaan Xaaladdaasi

0
78
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, May 31, 2018- (Foore)- laba Kooxood ayaa ka dhex samaysmay Madaxtooyadda Somaliland kuwaasi oo ku hirdamaya Hanashada kalsoonidda Madaxweynaha Somaliland,waxaanay wararku sheegayaan inay koox waliba dhinaceeda ku muujinayso inaan la’aantood la booqan Karin ama laga agdhawaan Karin Madaxweynaha,waxaanay arintani saamayn xoogleh ku yeelay hanaankii shaqo iyo Hawl maalmeedkii Madaxtooyadda Somaliland iyo waliba dadka booqanaya Madaxweynaha oo dhib badan ka muta sidii ay u dhaafi lahaayeen Kooxahaasi.

Xukuumaddii hore ee uu Gadhwadeenka ka ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa waxa umadda nacsiiyay oo aad loo hadal hayn jiray Kooxo aan la dooran oo Sanadadii u dambeeyay isku gadaamay Madaxtooyadda kuwaasi oo aan cidna u ogolaan jirin inay Madaxweynaha Aragto ama la kulanto,waxaana markii dambe la gaadhay in si aan gabasho lahayn warbaahinta la isku mariyo oo si cad loogu dhaliilo madaxtooda inaanu Madaxweynihii la doortay ka talin ee ay cid kale ka faa’iidaysanayo Awoodii Madaxweynaha ee Dastuuriga ahayd,waxaanay kooxahaasi saddexdii sannadood ee u dambeeyay Xukuumaddii Siilaanyo si weyn uga tujaareen Xukuumadda iyagoo wax walba afka u dhigtay islamarkaana murdiyay qasnada Dawlada. Haddaba Madaxweyne Muuse Biixi oo Hadda lix bilood Muddo gaadhaysa Xukunka hayay ayaa waxa durba ka samaysmay Sidii caadada ahayd Kooxo ku hirdamaya hanashada Kalsoonida Madaxweynaha kuwaasi oo saamayn muuqata ku yeeshay shaqo maalmeedkii Madaxtooyadda. Waxa kooxahaasi kala hogaaminaya sida la sheegay Agaasimaha Madaxtooyadda Maxamed Cali Bile iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mubaarik Ismaaciil Taani.

Dhinaca kale Maxamed Abiib oo ka mid ah Dhalinyarada Xisbiga KUlMIYE oo ka mid ah dadka ay sida gaarka ah u taabatay arinta Kooxanahani ku hirdamaya Madaxtooyadda Somaliland ayaa farta ku fiiqay islamarkaana Waraysi uu siiyay Eryal Tv ku faah faahiyay jiritaanka arintaasi,waxaana uu yidhi isagoo arintaasi ka hadlaya“kooxo is eryanaya ayaa ka dhex dilaacay Madaxtooyadda, malaha Kooxanahani muuse ayay u haystaan Qof awoodiisa la isticmaali karo,markaa Koox hebel iyo koox hebel ayuu la fadhiistay ayaa eed ka dhex noqotay Madaxtooyada dhexdeeda,anaguna Saraakiishii Xisbiga ayaanu nahay,Guusha Muuse ayaanu jecelnahay,markaa inay Guushaasi qabsoonto waxaa qayb ka noqonaya ama burinaya Dadka Madaxweynaha ka garab dhaw,haddii taladii Qaranimo meesha laga saaro oo loo fikiro si deegaan,si qoys macno badan ma yeelanayso”.

Waxa kale oo uu yidhi“waxaa ka mid ah Kooxahaasi Madaxtooyadda ka dhex jira Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile,sida uu u shaqaynayaana Madaxweynaha iyo dadkaba u dan maaha,dad badana way arkeen,haddii Madaxweynaha isbaaro la hor dhigto waxaan aaminsanahay inay tahay Wax dalkana dhib ku ah,madaxweynaha Sharaftiisii iyo filashadii Shacabkaba lagu jalaafaynayo,markaa haddii laba Kooxood isku dhex qabsadaan Madaxtooyada Dee waxaa la odhan doonaa uun Maxamed Abiib Kooxda mubaarik ayuu la taagnaa ama Kooxda Maxamed Cali Bile ayuu la taagnaa,Waar koox maahee, Madaxweyne ayaan doortay anigu,mana garanayo halka ay kooxaasi ka yimaadeen,laakiin waxaan aaminsanahay in Madaxweynuhu wax ka qaban doono kooxahaasi” ayuu yidhi masuulkani.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here