Laacibkii Hore PSG Yuri Berchiche Oo Xaqiijiyay In Neymar Jr Uu Ku Biiri Doono Real Madrid Wakhti Dhow

0
39
Lawadaag Asxaabta...

Laacibkii hore kooxda Paris St Germain Yuri Berchiche isla markaana haatan ku biiray kooxda Athletic Bilbao ayaa aaminsan in saaxiibkiis hore ee Neymar Jr uu noqon doono laacib ka tirsan Real Madrid xiligan la joogo ama mustaqbalka dhow. Yuri Berchiche ayaa ku biiray suuqan xagaaga kooxda Athletic Bilbao, wuxuuna saaxiib dhow kula ahaa kooxda PSG laacibka reer Brazil ee Neymar Jr, wuxuuna wareysi uu dhawaan ku bixiyay radio “Cadena Ser” kaga hadlay suurtagalnimada uu Neymar ugu dhaqaaqi karo Real Madrid.

Xidigii hore kooxda Paris St Germain ayaa wuxuu ugu horeyn sheegay: “Waxaan saaxiibo ku ahayn kooxda PSG, Neymar wuxuu dib ugu soo laaban doonaa horyaalka La Liga, laakiin uma ciyaari doono Barcelona ee wuxuu u ciyaari doonaa Real Madrid, arintan waxay soo jirtay tan iyo xili ciyaareedkii lasoo dhaafay”. Yuri Berchiche ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxaan ku farxi doonaa hadii uu Neymar  Jr u soo dhaqaaqo kooxda Real Madrid, sababtoo ah waa ciyaar yahan aad u wanaagsan”.

Si kastaba madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa doonaya inuu la saxiixdo Neymar oo horey u soo xirtay maaliyada kooxda Barcelona, laakiin heshiiska kama yaraan doono € 222 million, taasoo ah qiimaha uu ugu dhaqaaqay kooxda reer France ee Paris Saint-Germain.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here