Laacibka Somalia Oo Ku Biiray Kooxda Al-Shabaab

0
238
Lawadaag Asxaabta...

Somália ayaa ku biiray al-Shabaab – laakiin ma aha sida uu qof walba ku fakarayo.
Ciyaaryahanka kubadda cagta ee lagu magacaabo Wergiton do Rosario Calmon, oo ku magac dheer ama si wanaagsan loogu yaqaanno naaneystiisa Somália, ayaa is baddal sameeyay ka dib markii uu saddexdii sano ee la soo dhaafay ku qaatay garoonka kooxda Toulouse FC ee ka dhisan dalka Faransiiska.
Balse Somália, ayaa hadda heshiis cusub u saxiixay kooxda al-Shabaab FC oo ah naadi kubadda cagta ah oo ka dhisan dalka Sacuudiga.
29 jirkan u dhashay dalka Brazil ayaa tallaabada uu qaaday waxa ay ku soo jeedisay indhaha dadka isticmaala baraha xiriirka bulshada.
Inta badan dadka ayaa markii ay sheekadiisa arkeen waxay durba u fasirteen si kale, maadaama magaca naaneysta u ah ee Somália uu la wadaago dalka ku yaalla geeska Afrika ee Soomaaliya, halka kooxda uu ku biiray magaceedana uu la mid yahay magaca koox hubeysan oo ka dagaallanta waddanka Soomaaliya.
Hase ahaatee dhanka kale marka laga eego, “Al-Shabaab” ayaa ah eray luuqadda carabiga ah oo micnihiisu yahay “Dhallinyaro”.
Dadka isticmaala baraha xiriirka bulshada ayaa markii uu Somália ku biiray Al-shabaab waxay si deg deg ah sheekadiisa iskula wadaageen baraha kala duwan ee internet-ka, ayagoo ku darayay qoraallo ay ku sharraxayaan sida ay magacyadaan iskugu egyihiin, taasoo haddii dhinac laga fiiriyo yeelaneysa micno kale oo ballaaran.
Kooxda xiriirka la leh shabakadda al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya, waxayna weerarro kala duwan ka fuliyeen gobollada dalka.
Magacyadan sida lama filaanka ah iskugu aaday ayaa fajaciso weyn ku noqday qaar ka mid ah dadkii ka war helay arrintaan.
Kooxda uu Somália u ciyaari jiray ee Toulouse FC ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in ay iibisay ciyaaryahankaas, ayna uga mahad naqeyso dadaalkii uu u soo sameeyay intii uu ka tirsanaa.
Ciyaartoyga reer Brazil ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda Sacuudiga, si uu ugu ciyaaro kooxdiisa cusub oo uu u saxiixay heshiis labo sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here