Kooxda Alshabaab Oo Badhtamaha Muqdisho Dad Danyar Ah Lacago Ugu Qaybisay Iyo Madaxdooda Ugu Waaweyn Oo Kasoo Qayb Galay Goobta Lacagahan Lagu Qaybiyey

0
73
Lawadaag Asxaabta...

Muqdisho, October 08, 2018- (Foore)-  Ururka AL-Shabaab ayaa lacago ay ku sheegeen inay tahay Zako u qeybisay dad danyar ah oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho sida ay Al-Shabaab ku baahisay warbaahinteeda gaar ka ah.

Dadka wax loo qeybiyey ayaa waxaa loo qabtay xaflad ay kasoo qeyb galeen xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere. Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin in Meesha ay wax ka dhaceen ay tahay  Gudaha Magaaladda Muqdisho, haddana waxaa muuqato inay tahay halka ay wax dhaceyn meel tuulo ah iyo Xarun wax lagu barto oo loo maleenayo inay Al-Shabaab dadka wax ku baraan. Waxay dhici karta inay tahay duleedka Muqdisho, balse Shabaab waxay ku sheegeen goobta meel Xamar ka mid ah,arintaasi oo muujinaysa Awooda ay wali Alshabaab leedahay inay wax walba samayn karto.

Dadka loo qeybiyay lacagaha Zakada waxay gaadhayeen inka badan 200 oo ruux, waxayna lacaguhu kala ahaayeen saddex qeybood oo kala ah 1000$, 500$ iyo qeybta ugu yar oo ahayd 200$. Dadka sakada qaatay waxay isugu jireen rag iyo dumar, waxaana kamid ahaa dad waayeel ah kuwaas oo ay qaarkood xitaa naafo ahaayeen, waxaana dhamaan dadka qaatay Zakada ay ka sinnaayeen iney ahaayeen dad fuqaro ah oo dan yar ah sida ka muuqatay.

Cali Maxmuud Raage “Sheekh Cali dheere” afhayeenka Xarakada Al-Shabaab oo la hadlay dadka Zakada la siiyay ayaa u sheegay in lacagahan laga soo qaaday dadka muslimiinta ee hantida leh, lana siinayo dadka fuqarada ah.

AL-Shabaab ayaa baahisay in dadka wax loo qeybiyey ay ahaayeen kuwa dagan Muqdisho inkastoo aysan sheegin meesha uu kulankaas ka dhacay. Inta uu khudbeenayey Cali Dheere wuxuu kusoo celcelinayey in dadka wax loo qeybinayo yihiin kuwii daganaa Muqdisho isla markaasna ay duruufta u saacidi weysay inay guryahooda ugu tagaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here