Kooxaha Premier League Oo Qabsaday Champions League & Sideeda Kooxood Ee Isugu Soo Haray Quarter Final-ka

0
82

Tartanka UEFA Champions League ayaa soo gaaray meel xasaasi ah, wuxuuna marayaa heerka sideeda (Quarter Final-ka), haddaba sanadkaan waxaa wacdaro dhigaya kooxaha horyaalka Premier League kuwaas oo tirada ugu badan ku leh mana jiro horyaal kaga badan.

Afar kooxood ayey ku leeyahiin kooxaha Premier League waana kooxaha Man United, Liverpool, Man City iyo Tottenham Hotspur, waana tiradii ugu badneyd ee mudooyinkii ugu dambeeyay usoo gaartay horyaalkaan heerkaan.

Waxaa la saadaalinayaa iney laba ka mid ah fooda is dari donaan, balse iney kala badbaadaan wey dhici kartaa maadaama isku aad la qaban doono.

Dhanka kale Juventus ayaa soo gaartay wareega xiga ee tartanka, halka Barcelona, Ajax iyo Porto ay sidoo kale ku jiraan liiska.

KOOXAHA USOO GUDBAY QUARTER FINAL-KA:

1. Barcelona (SP)

2. Juventus (ITA)

3. Fc Porto (POR)

4. Tottenham Hotspur (ENG)

5. Manchester United (ENG)

6. Manchester City (ENG)

7. Liverpool (ENG)

8. Ajax (NED)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here