Koox Maafiyo Ah Oo La Baxday Magaca “Somali” Oo Khaati Ka Dhigtay Dal Ka Mid Ah Dalalka Asia

0
203
Lawadaag Asxaabta...

Iyada oo in muddo ah Magaca Soomaali uu dunida ku haystay sumcad xumo ballaadhan kana mid ahaa dadka marka magacooda la maqlo la xasuusto dhac, dil, qax, tahriib iyo dagaal iyo argagixiso ayaa waxa arrin layaab leh noqday in koox gaangis ah oo ka jirta waddanka Burma ay la baxeen Magaca Soomaali.

Arrin aad loola yaabay ayaa ka soo shaac baxday wadanka Burma kadib markii koox budhcad ah oo dadka khaatiyaan ka dhigtay ay la baxday magaca “Somali” iyaga oo ku muujinaya in magaca Somali yahay mid u taagan dil, dhac, argagixisanimo iwm. Koox Budhcad ah oo la baxday Magaca “Ayeyarwady Somali” ayaa dhibaato xoogan waxa ay ku hayaan Doomaha mara wabiga weyn Ayeyarwady oo kuyaala Dalka Burma ama Myanmar. Kooxdan Budhcadda ah oo u hawlgasha qaabka Budhcad badeeda Soomaalida ayaa la baxay Magaca ah “Ayeyarwady Somali” waxaanay sannadkan caqabad aad u xooggan ku noqdeen Doonyaha ganacsi iyo kuwa kale ee mara Wabiga weyn ee Ayeyarwady.

Wabiga Ayeyarwady ayaa ah wabiga ugu weyn ee Dalka Myanmar , kooxdan Budhcadda ah ayaana xilliyada Habeenkii Wabiga ka qafaasha Doonyaha ganacsiyada iyo kuwa kale ee webigaasi mara waxaanay ka qaataan waxii muhiim ah ee ay ka helaan doonyahaasi. Booliska Dalka Myanmar ayaa hawlgal ballaadhan waxa ay ka sameeyeen Magaalada Shangalay Kyun oo ay sheegeen in kooxdan xubno badan oo ka mid ahi Ku Dhuumaaleysanayaan deegaamada keymaha ah ee dalkaasi iyaga oo mararka qaarna magaalooyinka dadka ku dhibaya, waxaanay illaa imika Ciidamada Boolisku gacanta ku dhigeen 19-ka mid ah Kooxahaasi Budhcadda ah. Kooxadan Budhcadda ee ka jirta Waddanka Myanmar ayaa noqoneysa Kooxdii ugu horresay oo Budhcad ah oo qaadata Magaca Soomaali, kooxdan ayaana u howlgaleysa qaab u muuqaal eg qaabka ay ku hawl galaan Kooxaha Budhcad Badeeda Soomaalida. Xukuumadda Myanmar ayaa kooxdan baadi goob culus ku haysa iyaga oo doonaya in ay bal ogaadaan in xidhiidh ka dhaxeeyo iyaga iyo kooxaha budhcad badeeda ah ee Soomaalida arrintaasi oo ay sheegeen in aanay u malaynayn in wax xidhiidh ahi ka dhaxayn doono balse ay magacan ula baxeen kaliya si ay u muujiyaan khatarta ay leeyihiin budhcad badeeda soomaalidu oo ay ku dayanayaan si ay u muujiyaan in ay yihiin khatar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here