Koonfur Afrika: Raxan Shinni Ah Oo Baajisay Duulimaad Diyaaradeed

0
69
Lawadaag Asxaabta...

Raxan Shinni ah oo ku uruurtay matoorka diyaarad laga leeyahay shirkadda diyaaradaha ee Mango, ayaa waxay diyaaradda ku kalliftay iney duullimaadkeeda ku hakiso garoon ku yaalla magaala xeebeedka Koonfur Africa ee Durban.

Kaddib waxaa loo yeeray khubarao ku takhasusutay dhinaca shinnida si ay raxanta shinnida ee ku habsatay matoorka diyaaradda uga soo saaraan, waxaana laga soo saaray shinni tiradeeda lagu qayaasay 20,000.

Dhacdadan ayaa lagu tilmaamay mid aan badanaa dhicin, mid ka mid ah khubaradana wuxuu sheegay in loo badinayo iney shinnidu matoorka ku nasaneysay inta ay diyaaradda ka duuleyso.

Inta badanna urta matoorka ka soo baxeyso oo aan shinnida ku habbooneen markaad eegtana waxaa kuu soo baxaya ayuu yiri iney shinnidu dooneyn iney matoorka gaaguur ama hoy ka sameeysato.

Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradda Mango oo la yirahdo Sergio dos Santos, ayaa wuxuu sheegay raxanta shinnida iney matoorka ku soo degtay 25 daqiiqo gudahood waxayna hakisay seddex diyaaradood oo rakaab ah oo ka kici lahaa garoonka diyaaradaha caalamiga ee Boqor Shaka oo ku yaalla dalka Koonfur Africa.

Warbixintan oo laga soo xigtay bogga South Africa News24 ayaa wuxuu afhayeenku uu u sheegay muddada siddeedda sana ah ee uu shirkadda diyaaradda Mango uu la shaqeynayey inuu arrin noocaniah la kulmin.

Shirkadduna waxay baahisay sawirro muujinaya dhacdadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here