Kiimikooyinka Haweenku Isku Qurxiyaan Iyo Cadarrada Udgoon Oo Caruurta Ku Keena Cuduro Halisa

0
246
Lawadaag Asxaabta...

Daawooyinka Kiimikada ah ee haweenku isku qurxiyaan, caddaradda iyo daawooyinka qaar, ayaa khubaro u dhalatay dalka Ingiriisku ka soo saareen digniin ku saabsan in ay ubadka ku keenaan xannuunka xiiqda. Dhakhaatiirtani waxay ogaadeen in ubadka uurka ku jira ay 78% xannuunkan halis ugu jiraan marka hooyadood isticmaasho daawooyinka la isku qurxiyo iyo cadarada sida ay Arbacadii qoraal digniin ah ka soo saareen khubaradani.

Khubaradan u dhalatay wadanka UK waxay tilmaameen in kiimikooyinkan ilmaha yar ee uurka ku jira hawada uu qaadan lahaa ka wasakheeyaan, isla markaana ay si deg deg ah xannuunka xiiqda u qaadaan markay soo dhashaan.

Waxay u soo jeediyeen cilmi-badhayaashani waalidiinta in ay hoos u dhigaan isticmaalka caddarrada iyo waxyaabaha la isku qurxiyo amma saabuunta iyo daawooyinka wax lagu maydho si caafimaadka ubadkoodu u noqdo mid fiican. Cilmi-badhayaashan oo ka tirsan Jaamacadda Columbia ee magaalada New York, ayaa baadhitaan ku sameeyey kaadida 300 oo haween ah, kadibna su’aalo waydiiyey hooyooyinkaas markii ubadkoodu 5 jir ilaa 11 jir gaadheen, kuwaasoo ka baadhay in ay leeyihiin cudurka asmada, waxaanay ogaadeen in hooyooyinka isticmaalka kiimikada wejiga lagu qurxiyo iyo cadarrada badan ay ubadkoodu xiiq qaadeen 78% marka loo eego kuwa aadka u yaraysta.

“Waxa jira kiimikooyin aad loo isticmaalo, xaddi badana laga isticmaalo, halkana aan lagu soo koobi Karin oo ubadka ku keena xiiqda. Sidoo kale dumarku waa in ay yaraystaan markay uurka leeyihiin cadarada, daawooyinka la isku qurxiyo, waxyaabaha hawada udgoonka ka dhiga amma taydha faraha badan ee ay guriga ku nadiifiyaan,” ayuu yidhi Dr. Robin Whyatt oo ka tirsan Jaamacadda Columbia.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here