Khudbad Cabdiweli Gaas Ka Jeediyay Badhan Oo Uu Beel Koonfur Degta Ku Weeraray Oo Dagaal Xagga Internet-ka Ah Ka Dhex Abuurtay Maamullada Muqdisho Iyo Garoowe

0
80
Lawadaag Asxaabta...

Badhan, September 22, 2018- (Foore)- Baraha ay bulshada ku wada xidhiidho ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa si weyn la isula dhexmarayay dood kulul oo ka dhalatay hadal uu jeediyay madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Cabdiweli Cali Gaas.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo Doraad oo Khamiis aheyd ka hadlayay magaalada Badhan ee Gudaha Dalka Somaliland ayaa waxa uu jeediyay hadalkaasi doodda badan uu ka dhashay.

Khudbad uu Magaalada Badan ka jeediyay Cabdiweli Cali Gaas ayaa waxa ku jirtay Erayo ay ka mid ahaayeen  “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal maaha, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.”. Madaxweynaha Maamulka Puntland oo u muuqanayay inuu ka hadlayay dagaalyahannada Shabaab ee ku jira buuraleyda Galgala ayaa intaanu hadalkaas odhan waxa uu yidhi “Intaas oo ciidan ahna waa ay nala joogaan woxogaa Shabaab ahna waa naga haystaan Galgala caqli maaha, Waxaan rabnaa inaan ku dareerno dhammaanteen annagoo wadasoconna, been idiin sheegi mayee dumarka Badhan joogaa haddii ay berito ku dareeraan Galgala iyagaa Shabaab ku filan oo ka saaraya.” ayuu yidhi Cabdiweli Cali Gaas.

Hadalkaa hore ee Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas, ayaa waxaa si kulul uga jawaabay Xildhibaan Idiris Cabdi Axmed Takhtar oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya kana soo jeeda deegaannada Bay iyo Bakool ee hoos taga maamulka Koonfur Galbeed. Xildhibaan Idiris Takhtar oo fariin uu soo duubay soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu sheegay in arrintaas laga haboonaa isagoo yidhi “Waxaan u sheegayaa in nin mas’uul ah uu hadalkaas ka soo yeedho ma ahan, in deegaan gaar ah dad ka soo jeeda uu wax ka sheego ma ahan, oo haddana uu yidhaahdo dadkaas oo dacas wata, hadalladaas kuma haboona inuu ku hadlo nin mas’uul ah marka waxaan rabaa inaan ninkaas u sheego waa khaladaadkii saddexaad, afraad ee uu galaayo weeyi.”

Waxa kale oo uu yidhi“Intii uu xilka Puntland hayay ninkaas waxa uu xidhay dad aan waxba galabsan oo ganacsato ah oo uu ku shaabadeeyo inay Shabaab yihiin, oo khaladaad badan uu dadkaas ka soo galay, aniga hadda waxaanba u malaynayaa inuu xalaalaysan rabo hantidooda. Dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed waa dadka ganacsiga ugu badan ku leh deegaankaas Puntland.” ayuu yidhi Idiris Dhakhtar. Waxa uu Xildhibaan Idiris intaasi ku daray “Ma haboonayn in ninkaas oo mas’uul ah oo hadda ka horna ra’iisul wasaare soo noqday inuu mar walbaba afkiisa uu ku aflagaadeeyo qowmiyad dhan oo jirta.”

Intaas kuma uusan hakan Xildhibaan Idiris Takhtar ee waxa uu Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ka dalbaday inuu raali gelin ka bixiyo “hadalada qadafka ee ka soo yeerdhay, waayo waa markii saddexaad ee uu ku dhawaaqo hadal cunsiriyad iyo inuu baneeysto hantida dadka ladeggan ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed.” ayuu ku qoray bartiisa Facebook-ga.

Doodda iyo erayada kulul ee la is dhaafsanayo intaas kumay eka ee waxaa ka qeyb galay dad badan oo magac leh, oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xildhibaan Aaden Isaaq, oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay “Wax la aqbali karo maaha cunsuriyadda iyo kala saaridda uu ku kacay Cabdiweli Gaas, Ogaw Wiilka ka yimid Xudur iyo Buurhakaba, Maaha Ajanebi, Manuu aadan Wadan kale, waa hubaal Shacabka Sharfoon ee Puntland lama qabaan Hadalkaasi iyo eryadaasi gafka ah”. ayuu yidhi Xildhibaan Aadan.Waxaa arrintaas dhankiisa durbadiiba si kulal uga jawaabay wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Puntland, Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil, oo isna bartiisa Facebook-ga soo dhigay “ Caqliyan waa wax lala yaabo in Wasiir ka tirsan Dawlada Faderaalku uu Difaaco Argagixisada Shabaab, Uuna aflagaadeeyo Xurmadle Madaxweyne Cabdiweli Gaas, Waxaan arkayay Saaxiibo badan oo uu Wasiir Aadan Kujiro inay u baahan yihiin Afsoomaali in loo dhigo,Waxaan leeyahay Aadaanaw Sariigteeda!!” ayuu qoraal kooban ku yidhi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here