Khilaafkii Ugu Cuslaa Oo Madaxtooy- ada Puntland Ka Taagan, Ina Camey Oo Ciidan Ka Dalbaday Buuhoodle Iyo Xiisad Ka Taagan Magaalada Garoowe

0
49
Lawadaag Asxaabta...

Garoowe, December 06, 2018- (Foore)- Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, iyaga oo dhawaan soo kala saaray laba guddi oo is khilaafsan tan iyo in muddo ahna aan iska soo ag wareegin oo dagaal u dhaxeeyo.

Madaxweyne Gaas waxa uu magacaabay guddida xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka isaga oo aan ka talo galin Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo dastuurku dhigayo in ay magacaabista qeyb ka ahaadaan.

Cabdixakiin Camey oo la tashaday guddoomiyaha baarlamaanka waxa uu isna durbadiiba soo magacaabay guddi kale oo xiisad ka abuuray Garoowe iyo Puntland guud ahaan.

Iyada oo uu xaalka halkaasi xaalku marayo ayaa waxaa hadda Garoowe laga dareemayaa jawi collaadeed iyo kala shaki ay abuurray xaaladdani. Musharixiinta Puntland oo dhammaan wada hubeysan ayaa laga baqayaa in ay sida ay ku hanjabeen dagaal toos ah la galaan Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay iska bahaysanayaan aadna u dhaliilsan yihiin taasi oo garab siinaysa Camay oo isagu muddo dibad joog ka ahaa qasriga Madaxtooyada.

Camey iyo Buuhoodle

Warar lagu kalsoonyahay ayaa tibaaxaya in Cabdixakiin Camey uu Magaalada Buudoodle oo deegaankiisa ah ka dalbaday meeleshiyaad 100 gaadhaya oo beeshiisa ah iyada oo ujeedadu tahay in uu Gaas kula dagaalamayo xulista 17-ka xildhibaan ee ay Dhulbahante ku leeyihiin 66-ka xubnood ee uu baarlamaanku ka kooban yahay, oo Gaas uu doonayo inuu soo xulo..

Khilaafka ugu weyn ee ka dhex-taagan labadan nin hadda ayaa ah sida la ogyahay mid salka ku haya cidda soo xuli doonta 17-ka xildhibaan ee beesha Siciid Harti (Dhulbahante). Haddii Gaas uu xulo waxay la macno tahay inuu doorashada ku guuleystay, taasi oo Camey uu diidan yahay.

Ku xigeenka Puntland Mr. Camey ayaa sidoo kale qaba cabsi kale oo u gaar ah, maadaama ciidamada Garoowe jooga ay badankoodu ka amar qaataan Madaxweyne Gaas.

Maxaa Dhici Kara?

Haddii ciidamada uu Camey dalbaday soo galaan Garoowe  waxa ay halis galin doonaan ammaanka magaalada oo markii hore la ciir ciireysay maleeshiyo beeleedyo kala taabacsan musharixiinta 30-ka ku dhaw ee u taagan xilka Madaxweyne ee Maamulka Garoowe ee Puntland.

Dareenka shacabka Garoowe?

Shacabka maamulkaasi Puntland ee Garoowe ku dhaqan ayaa la sheegay in ay intooda badani rumaysan yihiin ama aaminsan yihiin in Cabdiweli Cali Gaas xaaladda xumeeyey kadib markii uu talada ka maroorsaday ku xigeenkiisa iyo gudoomiyaha baarlamaanka.

Hore wey u dhici jirtay in Madaxweyne xilka haya so magacaabo gudiga xallinta khilaafaad iyo ansixinta baarlamaanka balse waa markii ugu horreeysay ee uu qaab kali talisnimo ah madaxweyne u magacaabo guddi nocaas ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here