Khilaaf Xoogan Oo Ka Dhex Qarxay Qoyska Maamula Boqortooyada Sacuudiga Iyo Halkuu Salka Ku Hayo!

0
96
(FILES) - A handout file picture released by the Saudi Press Agency (SPA) on March 26, 2015 shows Saudi Defence Minister Mohammed bin Salman (L) and Second Crown Prince and Interior Minister Mohammed bin Nayef (R) arriving for a meeting with Saudi air forces officers to discuss plans and developments of the military operations against Yemen. Saudi Arabia's King Salman on April 29, 2015 named his powerful interior minister, Prince Mohammed bin Nayef (R), as heir in a major shakeup that also saw King Salman's son, Prince Mohammed bin Salman (L), who is in his early 30s, be named deputy crown prince. Prince Salman retains his position of defence minister, in which he has recently played a key role in a Saudi-led coalition conducting air strikes on Yemeni rebels. AFP PHOTO/SPA/HO == RESTRICTED TO EDITORIAL USE - MANDATORY CREDIT "AFP PHOTO/SPA/HO" - NO MARKETING NO ADVERTISING CAMPAIGNS - DISTRIBUTED AS A SERVICE TO CLIENTS ===HO/AFP/Getty Images
Lawadaag Asxaabta...

Riyadh (Foore) – Khilaaf xooggan oo ka dhex-qarxay qoyska boqortooyada Sacuudiga ayaa halis ku noqday qorshihii la doonayey in lagu casriyeeyo dalkaas, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Al-Khaleej. Wakhti in muddo ahna dareen gaar ah la siinayay wararka hoose ee la xidhiidha qasriga Madaxtooyada waddankaasi ee qasrul Yamaama ee Magaalada Rayaad.

Wargeyska ayaa sheegay in khilaafka uu ka dhex-taagan yahay boqor Salmaan, wiilkiisa Maxamed, iyo xubnaha kale ee ku dhow boqorka, taasi oo waddadii ka leexisay barnaamijka Aragtida 2030 ee horumarinta dhaqaalaha dalkaas oo uu gadhwadeen ka yahay Maxamed Bin Salmaan oo ah wiilka dhaxal sugaha ah ee wakhtigan ugu awood badan qoyska reer Boqor.

Wargeysku waxa uu sheegay in khilaafka uu keenay in boqor Salman uu dib u tirtiray go’aanno badan oo uu qaatay wiilkiisa Maxamed, oo ah ninka sida dadban dalka u xukumayey; go’aannadaas oo loo arkay kuwa waxyeeleeyey dalka.

Al-Khaleej ayaa shaaca ka qaaday in ka laabashada qorshihii la doonayey in shirkaadda Aramco ee shidaalka Sacuudiga lagu geeyo suuqa saamiyada ay caddeyn u tahay heerka uu gaaray khilaafka. Qorshahan ayaa waxaa waday Maxamed Bin Salman.

“Waxay ahayd dharbaaxo uu boqor Salman ku dhuftauy wiilkiisa” ayuu qoray wargeyska.

Iska horimaanshaha siyaasadda Sacuudiga ee gudaha iyo dibedda ee tan iyo markii uu xukunka ku awood batay Maxamed Bin Salman ayaa albaabada u furtay khilaafka boqortooyada, sida ay warbaaxinta.

Khilaafka ayaa waxaa sidoo kale sii shaac bixiyey hadal dhowaan si qasoodi looga duubay Ahmed Bin Cabdulcaziiz oo la dhashay boqor Salman, kaasi oo sheegay in xasuuqa ka socda Yemen aysan shaqo ku lahayn xubnaha boqortooyada marka laga reebo boqorka iyo wiilkiisa.

Warbixinta waxay sidoo kale sheegtay in boqor Salman uu diiday go’aanka uu Maxamed Bin Salman ku taageeray heshiiska loogu magac daray “Heshiiska qarniga” ee Donald Trumo uu ugu talo galay Falastiiniyiinta iyo Israel. Heshiiskaas ayaa magaalada Qudus siinaya Yahuuda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here