Khilaaf Ka Dhex Qarxay Masuuliyiinta Sare Ee Wasaaradda Horumarinta Jidadka Iyo Wasiirka Oo Maareeyihiisa Ugu Hanjabay Inuu Shaqada Ka Joojin Doono

0
134
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, October 13, 2018- (Foore)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor iyo Maareeyaha Hay’adda Jidadka ee Wasaaraddaasi Cusmaan Sheekh Cabdi ayuu khilaaf weyn ka dhex qarxay waxaanay iswaydaarsadeen Warqado ay isku burinayaan, islamarkaana ay ka muuqato isku awood sheegasho.

Waloow muddo dheer la hadalhayay inaanay labadaasi Masuul isku san banaanayn oo uu dhex yaalo khilaaf dhinaca maamulka ahi haddana waxa uu khilaafkani hadda ka bilaabay sida warqado warbaahinta heshay ka muuqda Isku shaandhayn iyo magacaabis uu Maareeyaha Hay’adda jidadku ku sameeyay qaar ka mid ah Waaxyaha ay ka kooban tahay Hay’adda uu maareeyaha ka yahay ee jidadku. Waxa uu bishan 08/10/2018 uu Maareeyuhu xilalkii ay hayeen uu ka qaaday Siciid Jaamac Cali oo mudo dheer soo ahaa agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta ee Wakaalada Jidadka iyo Yaasiin Cali Aadan oo ahaa Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Hay’addaasi,kuwaasi oo uu buulka dhigay. Waxa kale oo uu iyagana boos badel ku sameeyay Siciid Nuur Jaamac iyo Axmed Maxamed Cabdi. Waxa uu sidoo kale Waxa uu Maareeyuhu Magacaabay Aqoonyahan Cabdilaahi Sheekh Maxamed Axmed oo uu u magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Wakaaladda Jidadka halka uu Cabdiraxmaan Jaamac Ismaaciil oo isna shaqaale Cusub ah uu u magacaabay Agaasimaha Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah.

Waxa arintaasi aad uga cadhooday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor isagoo islamarkiibana  warqad kadaba qoray kuna socodsiiyay shaqaalahiisa, waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay Magacaabistii uu sameeyay Maareeyaha Wakaaladda Jidadku, waxa uu sidoo kale ku andacooday inaanu jirin sharci u jidaynayaa maareeyaha jidadku inuu isku shaandhayn iyo macaabis aanu wasiirku ogayn sameeyo.

Waxa uu Wasiirku Qoraal uu ku socodsiiyay Maareeyaha ku yidhi “Awood sharci iyo Mid Maamul toona uma lihid inaad Magacaabis, xilal cusub, Abuuris waaxo cusub iyo xil ka qaadis ku samaysid Agaasime waaxeedyada wakaalada horu marinta waddooyinka. Waxaanan go’aamiyey inaan buriyo waraaqda sumadeedu tahay Ref:RDA/MG/246/2018, waxaan ku farayaa inaad u hogaansanaato xeerarka iyo shuruucda maamul ee dalka, haddii kale waxaan kaa qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan oo aad ku mudan karto in shaqada lagaa joojiyo maadaama aad caadaysatay khilaaf iyo sharci jabin joogto ah”.

Maareeyaha hay’adda wadooyinka ayaan dhiniciisa wax jawaab ah ka bixin warqada amarka ah ee uga timid wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka, iyada oo sidoo kalena warqadan si toos ah loogu socodsiiyey masuuliyiinta cusub ee uu magacaabay maareeyuhu kuwaas oo la farayo inaanay waxba ka soo qaadin magacaabista maareeyaha hay’adda waddooyinka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here