Khilaaf Hor leh Oo Ka Dhex Qarxay Maamulka Xamar Iyo Jubba-Land Iyo Axmed Madoobe Oo Ku Eedeeyay Dawladda Farmaajo Inay Masuul Ka Tahay Amni-darrada

0
29
Lawadaag Asxaabta...

Muqdisho(Foore) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay, kana danbeyso amni darrada dalkaasi Soomaaliya ka jirta.

Isagoo maanta ku laabtay magaalada Kismaayo kadib socdaal in muddo ah ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Itoobiya wuxuuna saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aanay wax wada shaqayn ahi ka dhaxeyn, ayna sabab u tahay amni darrada dalka ka jirta.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa carabka ku dhuftay in dowlad goboleedyadda dalka ka jira aysan kala dhaxayn dowladda Federaalka wax wadashaqayn ah, taasoo uu shaaciyay inay sababi karto amni xumo baahsan oo dalka lasoo darista.

Axmed Madoobe ayaa ka hadlay saraakiil ay magacawday dowladda Federaalka oo ka tirsan NISA oo laga soo celiyay magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay inaanay dowladda Federaalka wax xidhiidh ah iyo wadatashi kala sameyn magacaabista saraakiishaasi.

“Dowladda Federaalka iyadda ayaa amni xumadda dalka ka jirta qayb ka ah, maxaa yeelay hadii ay jiri lahayd wadashaqayn ay la yeelato dowladda goboleedyadda amniga wuxuu noqon lahaa mid hagaagsan,” ayuu Axmed Madoobe saxaafada u sheegay.

Warar hore u soo baxaya ayaa sheegayay in Axmed Madoobe uu Addis ababa u tegay si uu madaxda Itoobiya ugala hadlo arrinta madaxweynaha DDSI ee xilka laga qaaday Cabdi Iley, balse laga diiday dalabkiisii.

Hadalka Ahmed Madoobe ayaa imaanaya xili xidhiidhka u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo Jubbaland uu ahaa mudooyinkii dambe mid hoos u dhacay, taasoo sababtay in tiro laba jeer ah laga soo celiyay Kismaayo taliye-yaal ay magacowday Dowladda dhexe ee Farmaajo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Axmed Madoobe dhaliilo culus ujeediyo dowladda, waxaana la xasuustaa in shirkii Brussels uu ku karbaashay maamulka Farmaajo, isagoo ku eedeeyay inay ka gaabisay la shaqaynta maamuladda iyo inay fara-gelin toos ah ku sameyso arrimahooda gudaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here