Kaddib Hawlgalkii Guuleystay Ee Hazard & Rabiot, Real Madrid Oo Qaadaysa Tallaabadii Ugu Adkayd Ee Ay Ku Heli Lahayd Paul Pogba

0
165

Qorshaha dibu-habaynta Real Madrid ayaa si xawli ah u socda, waxaana haddaba ay Los Blancos iyo tababaraheeda Zidane suuqa iibka ciyaaryahannada kasoo hooyeen laba guulood oo ay kusoo xero-galiyeen xiddiga Chelsea ee Eden Hazard oo maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono saxeexa heshiis lix sannadood ah oo uu Real Madrid u saxeexayo iyo laacibka khadka dhexe uga ciyaara PSG ee Adrien Rabiot oo ay heshiis afka ah la gaadhay, isla markaana bilaash ugu imanaya marka uu xili ciyaareedku dhamaado markaas oo uu dhamaanayo qandaraaska uu kula jiro kooxda reer France.

Kaddib labadaas heshiis ee ay Los Blancos ku guuleysatay, waxay hadda bilaabaysaa hawlgalkii ugu adkaa ee ay kusoo xero gelin karayso xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba  oo tababare Zidane uu doonayo inuu udub-dhexaad u noqdo kooxdiisa xili ciyaareedka dambe.

Ninkan u dhashay waddanka Faransiiska ayaa uu doonayaa tababaruhu inuu ka dhigo tiirka xidhiidhin doona weerarka iyo difaaca.

Manchester United way ogtahay in Pogba uu doonayo inuu aqbalo dalabka Real Madrid oo uu ka dhaqaaqo xagaaga, balse waxay isku dayi doontaa sidii ay ugu qancin lahayd in aanu ka bixin Old Trafford iyadoo loo ballan-qaadayo in Red Devils laga dhigi doono naadi awood badan oo ciyaartooyo badan la  keeni doono.

Zidendine Zidane ayaa u sheegay madaxweyne Florentino Perez inuu sameeyo wax kasta oo suurtogal ah oo Pogba lagu keeni karayo Bernabeu, waxaana haddaba la qiyaaasayaa qiimaha uu ku iman karayo oo ah 120 milyan oo Euro.

Caqabadda ugu weyn ee Real Madrid haysata ayaa ah inay qanciso wakiilka Pogba ee Mino Raiola oo aanay isku san-bannaanayn Florentino Perez, halka United ay dhimasho ka xigto inay waydo Pogba maadaama la ogyahay in Ander Herrera uu heshiis hordhac ah la gaadhay PSG oo uu ka tegayo.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay Pogba iyo Zidane warbaahinta isku mariyeen amaan xad-dhaaf ah oo midba midka kale tilmaamay inuu jeclaan lahaa inuu garabkiisa joogo, waana arrinta niyadda u dhisaysa Real Madrid ee ay ku aamintay inay heli doonto Pogba.

Cabdiwahaab Cabeeye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here