Juventus Oo Jamaahiir Waaliya Ku Heshay Saxiixa Cristaino R. Iyo Baraheeda Bulshada Oo Sare U Kac La Yaab Leh Sameeyay!

0
34
Lawadaag Asxaabta...

Kooxda Juventus ayaa Cristaino Ronaldo uga faa’iidaysatay dhaqaale ahaan inta aanu wali hal kulan oo rasmi ah kooxdeeda u ciyaarin laakiin waxaa hadda soo baxday xog kale oo ay Juventus faa’iido wayn ugu heshay saxiixa Cristiano Ronaldo oo ah dhinaca taageerayaasha baraha bulshada. Markii uu dhawaa heshiiskii Juventus ay kula soo wareegaysay Cristiano Ronaldo waxaa si hawli waali ah sare ugu kacayay saamiga suuqyada ee kooxda Old Lady iyada oo markii ay la soo saxiixatay uu wali sare u kacayay saamiga Juventus ee suuqyada Talyaanigu laakiin hadda waxaa saamaynta Ronaldo si cad looga dareemay baraha bulshada Juventus. Kooxda Juventus ayaa bishii July ee la soo dhaafay noqotay kooxda kubbada cagta aduunka ugu saraysay dhinaca falcelinta baraha bulshada ee Facebook iyo Instagram laakiin natiijo rasmi ah oo arintan laga sameeyay waxaa lagu ogaaday in Juventus ay 3.5 milyan taageere barteeda Instagram ugu heshay saxiixii Cristiano Ronaldo.

Sababtan awgeed waxay Juventus noqotay kooxda afraad ee taageerayaasha ugu badan ku leh barta Instagram waxayna kaalintan kala baxday kooxda PSG iyada oo Juventus hadda yeelatay 14.4 milyan taageere oo kooxdeeda kaga xidhan barta Instagram.

Xog uu bixiyay Result Sports ayaa lagu shaaciyay in kooxda Juventus ay 3.5 milyan qof bishii July oo kaliya ay barteeda Instagram ugu soo biireen heshiiskii Ronaldo awgii waxaana sidoo kale warbixintan lagu sheegay in guud ahaan ay Juventus 6.2 milyan taageere oo baraheeda bulshada kala duwan ah ay ku heshay imaatinkii Ronaldo.

Waxaa la fahansan yahay in taageerrayaal badan oo uu Ronaldo ku soo yeeshay kooxaha Manchester United iyo Real Madrid ay markan soo buux dhaafiyeen baraha bulshada ee kooxda Juventus taas oo kooxda ree Talyaani siisay fursad ay si wayn sare ugu soo kacday dhinaca dadkii kaga xidhnaa baraha bulshada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here