Jilaaga Caanka Ah Ee Salman Khan Oo Mar Kale Maxkamadi U Ogolaatay In Uu Damaanad Ku Sii Joogo Dibadda Oo Aan La Xidhin

0
55
Lawadaag Asxaabta...

Halyeyga Filimada Hindiga ah ee Caanka ah Salman Khan oo hore dhawr jeer loo haystay ayaa mar kale ku guulaystay in dibadda dacwaddiisa lagu dhammeeyo oo damaanad uu ku joogo dibadda. Xiddigga shirkadda filimada sameysa ee Bollywood, Salman Khan ayay maxkamad ku taalla galbeedka Hindiya u oggolaatay in damaanad lagu sii daayo, maalmo kadib markii lagu helay dembi ah inuu 20 sano ka hor ugaadhsaday labo ka mid ah deerada madow oo dunida ka sii dabar go`eysa.

Jilaagan 52-jirka ah ayaa sannadkii hore lagu xukumay shan sano oo xabsi ah. Taageerayaasha Salman ayaa isugu soo xoomay bannaanka maxkamadda xukunka ridday oo ku taalla magaalada Jodhpur ee gobolka Rajasthan.

Kiiskan ayaa waxaa jilaaga 20 sano kahor ka soo gudbisay qowmiyadda Bishnoi, oo caabudda deeradaasi, waana markii afaraad ee Salman Khan lagu soo eedeeyo arrimo ugaadhsiga la xidhiidha.

Afar kale oo ka tirsan shirkadda filimada ee dalka hindiya oo uu kamid yahay Saif Ali-Khan ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyey dembi, inkastoo markii dambe lagu waayay wax dembi ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Salman Khan sharciga la horkeeno, isagoo 2002-dii lagu eedeeyay inuu gaari jiirsiiyay nin derbi jiif ah.

Waa markii afaraad oo Salman Khan lagu soo eedeeyo falal dembiyeed la xiriira ugaarsiga xayawaanadka, isagoo na dhowr jeer oo hore laga cafiyey xadgudub uu u gaystay xayawaan. Salman ayaa wakhtigan ku guda jira laba filim oo cusub oo duubo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here