Jamaahiirta Arsenal Oo Cadho Kula Dhacay Unai Emery Kadib Guuldaradii Everton

0
119

Jamaahiirta kooxda Arsenal ayaa dareen cadho leh ka bixiyay guuldaradii kooxdooda ka soo gaadhay Everton waxayna dalbadeen in Unai Emery shaqada kooxda laga caydhiyo. Arsenal ayaa guuldaro 1-0 ah kala kulantay kooxda Everton iyada oo  Phil Jagielka uu dhaliyay goolka kaliya ee ay Gunners saddexda dhibcood ku wayday.

Inkasta oo ay Arsenal wali haysato fursad ay kaalinta afraad ama xataa saddexaad ugu tartami karto waxay taageerayaasha kooxda Gunnars muujiyeen in Emery aanu ahayn tababarihii kooxdooda ku haboonaa isla markaana ay tahay in shaqada laga caydhiyo.

Inkasta oo ay wali jiraan qayb ka mid ah taageerayasha Arsenal oo wali aaminsan in Unai Emery uu shaqo fiican qaban karo haddana in badan oo taageerayasha Gunners ah ayaa dareenkooda soo bandhigay kadib guuldaradii Everton.

Aan ka soo qaadano qaar ka mid ah fariimihii ay taageerayaasha Arsenal dareenkooda ku bixiyeen kadib guuldaradii Everton waxaana ka mid ah taageere soo qoray: “Mar kale waxaan sheegayaa in haddii aynu ku dhamaysan wayno afarta sare in ay waajib tahay in Emery la caydhiyaa”.

Taageere kale ayaa isna soo qoray: “Waxa uu Emery u baahan yahay in la caydhiyo iyada oo aan loo tixgalin halka aynu ku dhamaysano. Dareen kasta ayuu bilaa micno ku yahay”.

Isla fikrada hore taageere Arsenal ah oo aaminsan ayaa soo qoray; “Sidaa daraadeed afartii sare way tagtay kadib miyaa Emery la caydhin doonaa?” mid kale ayaa isna soo qoray: “Emery wuxuu ku soo bilaabay ciyaaroygeena ugu fiican kadib waxa uu isaga saaray markii aynu hufnaan u baahnayn”.

Laakiin taageere cadhaysan ayaa soo qoray : “f****** anigu waan nacay doofaarkan doqonka ah ee Emery” waxaana jiray dad badan oo cadhadooda xakamayn kari waayay maadaama oo ay sugayeen in ay kooxdoodu kaalinta saddexaad ku soo laabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here