Isbar-Bardhiga Xilli Ciyaareedkii Ugu Dambeeyay Ee Arsene Wenger & Midkan Ugu Horreeya Ee Unai Emery

0
158

Tababaraha ree Spain ee Unai Emery ayaa haatan hoggaamiye ka ah kooxda horyaalka Premier League ee Arsenal isaga oo ka dhaxlay xilkaas ninka ree France ee Arsene Wenger kaas oo 22 sano kaddib baneeyay jagada.

Emery ayaa haatan 30 kulan oo horyaalka ah soo maamulay Gunners waxaana aanu isbar-bardhig ku samayn doonaa 30-kii kulan ee ugu horreeyay ee uu Arsene ka ciyaaray horyaalka xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee 2017-2018.

Isbar-bardhiga min 30-kaas kulan ayaanu halkan idiinku soo werin doonaa anaga oo ka istaagi doona dhinacyada kala ah Guulaha, Bar-bardhacyada, Guuldarooyinka, Goolasha ay dhaliyeen, Goolasha laga dhaliyay iyo kaalmaha ay ku kala jireen min kulamadaas.

Aan ku furanee Wenger ayaa wakhtigaas 14 guulood ka haystay horyaalka waxaana uu afar guulood ka hooseeyay tababaraha haatan ee Emery kaas oo 18 guulood ka haysta horyaalka wakhti xaadirkan.

Dhianaca bar-bardhacyada ay galeen ayuu Wenger wakhtigan oo kale xilli ciyaareedkiisii ugu dambeyay galay lix bar-bardhac waxaana isla lix la wadaaga Emery wakhti xaadirkan.

Guuldarrooyink ayaa sidoo kale ah mid ku badan tababaraha ree France waana 10 guuldarro waxaana afar guuldarro ka hooseeya oo lix jeer laga soo adkaaday xilli ciyaareedkan tababaraha ree Spain.

Kooxdii Wenger ee wakhtigaas ayaa 30 kulan kusoo dhalisay 55 gool iyada oo qaabishay 41 gool halka mida haatan ee Emery ay dhalisay 61 gool isla markaana ay qaabishay 39 gool.

Ugu dambayn, Iyadoo ay muuqato sida uu Emery horumarka ugu sameeyay kooxda ayuu markale kaga fiican yahay dhigiisa Wenger xaga kaalmaha waxaana uu haatan ku jiraa booska afraad ee kala sarreynta horyaalka halka Wenger kooxdiisu ay fadhiday lixaad wakhtigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here