Intay Booliska Hub Ka Xadeen Ayay Ugu Baddaleen Kuwo Caag Ah Oo Caruurtu Ku Ciyaaraan

0
57
Lawadaag Asxaabta...

Koox budhcad ah oo ku sugan dalka Paraguay ayaa xaday 42 qori oo hubka awoodda sare leh ah oo ay lahaayeen ciidammada booliska.

Mar hubka lagu sameynayay kormeer baaritaan ah, ayay saraakiisha booliska ku ogaadeen in qoryihiin dagaalka ee noocoodu ahaa FN FAL loogu baddalay qoryo ka sameysan alwaaxyo iyo caagag oo ah kuwa ay carruurta ku ciyaaraan.

Kormeerkaas ayaa amar lagu bixiyay ka dib markii muddo hal sano ah ka hor suuqa madow lagu arkay noocyada hubka casriga ah ee ay booliska dalkaas sida gaarka ah u isticmaalaan.

Hubkaas laga xaday laamaha ammaanka ayaa lagu iibinayay lacag dhan $10,000 (£7,785).

Qoryahaas ayaa lagu xisaabinayay in ay bakhaarrada ugu jiraan booliska hase ahaatee way shaqeynayeen iyagoo si sharci darro ah loo suuq geynayay.

Qaar ka mid ah hubkaas ayaa la ogaaday in loo sii gudbiyay waddanka Argentina halka kuwo kalena si qarsoodi ah lagu geeyay dalka Brazil.

Dalka dariska ah ee Brazil ayaa in muddo ahba ka cabanayay in hubka sharci darrada ah ee ay ciidamadoodu qabtaan laga soo geliyo dhinaca waddanka Paraguay.

Warbaahinta dalka Paraguay ayaa shaacisay sawirro laga soo qaaday qoryaha dheemishka ah waxaana ay arrintaan ku qeexeen “fadeexaddii ugu ceebta badneyd” ee abid soo marta taariikhda booliska dalkaas.

Waxaa hubka lagu keydin jiray xarun ay ciidanka amniga ku leeyihiin magaalada Capiatá halkaasoo ay booliska ka soo baxsanayeen marka ay u baahdaan qoryo casri ah.

Markii ugu horreysay ee uu hubkaas ka soo muuqday suuqa madow ayuu taliska milatariga amar ku bixiyay in baaritaan la sameeyo.

Kooxdii baaritaanka sameyneysay ayaa mid ka mid ah keydadka hubka ee booliska ugu tagtay qoryaha caagga ah ee ay carruurta ku ciyaaraan.

Taliyihii masuulka ka ahaa xeradaas keydka hubka ayaa la baddalay balse ma jirto cid arrintaas loo soo xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here