Ingiriiska Oo Xukun Adag Ku Riday Nin Doonayay In Uu Dilo Ra’iisal Wasaare Theresa May Iyo Qaabka Layaabka Leh Ee Ay Ninkan U Qabteen

0
42
Lawadaag Asxaabta...

London, Sept 01, 2018- (Foore)- Nin maleegay dilka ra’iisul wasaaraha Britain haweenayda lagu magacaabo Theresa May oo doonayey inuu isku miidaamiyo ayaa xabsi daa’in xukunkiisu u yar yahay 30 sano lagu xukumay. Naa’imur Zakariyah Rahman oo 21 jir ah, kana soo jeeda waqooyiga London ayaa lagu helay bishii hore inuu diyaarinayey fal argagixiso. Rahman ayaa qorshaynayey inuu bambo ku xidho albaabada Downing Street, ka dibna uu middi ama qori ku dilo Theresa May.

Markii uu xukunka ridayey ayuu xaakim Haddon-Cave yidhi: “Wuxuu qaadi lahaa weerarka haddii aan la xidhi lahayn”. Rahman ayaa waxaa lagu qabtay hawl-gal ay si qarsoodi ah u qaadeen booliska Metropolitan iyo sirdoonnada MI5 iyo FBI. Waxaa gacanta lagu dhigay isla markii uu ka qaatay qof boolis ahaa oo isaga sirayey shandad iyo jaakeed la rumaysan yahay in ay ka buuxeen waxayaabaha qarxaa.

Xaakimku wuxuu yidhi: “Waxaan hubaa in qalabkaas uu Rahman rumaysnaa in ay ahaayeen kuwo dhab ah oo geysan karayay dhaawac weyn”. Wuxuu intaa ku daray in saraakiishii sida qarsoodiga ah hawsha u fuliyey ay ahaayeen “kuwo digtoon” wakhti walba, oo Rahman uu ahaa “dhiirri galiyaha” ficilladiisa.

Sida Loo Qabtay Rahman

Rahman wuxuu moodayey inuu baraha bulshada xidhiidh kula samaynayo qolyo dadka u qora kooxda IS, laakiin ma aanu ogayn in qofka uu xidhiidhka la samaynayey uu yahay sarkaal ka tirsan FBI-da Maraykanka oo arrinkan wada shaqayn kala lahaa sirdoonka iyo Booliska Ingiriiska. Sarkaalkaas wuxuu arrinta Rahman ku wareejiyey koox MI5 u qaabilsan internetka, ayagoo ka dibna Rahman ku qanciyey in ay yihiin xubno dhab ah oo ka tirsan IS.

“Waxaan doonayaa in aan isku qarxiyo baarlamaanka” ayuu ku yidhi Rahman saraakiishii MI5 ee isaga sirayey. “Waxaan doonayaa in aan isku dayo dilka Theresa May. Waxa kaliya ee aan hadda doonayaa waa shabakad si hoose u shaqaynaysa” ayuu sii raaciyey.

Rahman, ayaa sida uu xaakim Haddon-Cave sheegay waxaa loo sheegay oo uu rumaystay in bamka beenta ah ee loo dhiibay “uu awood u leeyahay inuu khasaare weyn oo la mid ah kii ka dhacay Manchester Arena uu gaysto”.

Qareenka Rahman ayaa ku dooday inuu duufsaday adeerkii, kaasoo markii dambe ay Suuriya ku dishay dayaarad bilaa duuliye ah, isagoo ka dhinac dagaallamayey kooxda dawladda islaamiga, wuxuuna shegay in qofka uu metelo aanu damacsanayn inuu mu’aamarad maleego.

Laakiin warbixin maxkamadda laga hor akhriyey ayuu xaakimku ku sheegay in Rahman uu xabsiga gudihiisa ku qirtay inuu weerarka qaadi lahaa haddii ay u suurto gali lahayd.

Xaakimka ayaa Rahman ku tilmaamay inuu yahay qof “aad u khatar badan”, oo ay adag tahay in la sii saadaaliyo haddiiba la soo hanuunin karo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here