In Ka Badan 20 Dhakhtar Oo Qalliin 4 Saacadood Qaatay Ku Kala Gooyay Laba Hablood Oo Mataano Ah Iyo Dareenka Waalidkooda

0
144
Lawadaag Asxaabta...

Inkasta oo ay Maanta u Dabbaal Degayaan Sannad-guuradooda 16aad Haddana Laba Hablood iyaga oo jira Muddo 6 Toddobaad ah ayaa koox dhakhaatiir ahi ku guulaysteen in ay si bed-qab ah u kala gooyaan kaasi oo noqday qalliin welwel badan laga qabay oo ugu dambayn ay kooxdani ku guulaysteen

Zainab iyo Jannat Raxmaan ayaa ku soo dhashay iyaga oo laabta isaga yaalla sidoo kalena ay isku yaallaan qaar ka mid ah xubnahooda uur-ku jirta ahi waxaana ugu dambayn 6 Toddobaad oo ay noolaayeen kadib lagu guulaystay in ay si caafimaad qabta looka la furdaamiyo, waana mid ka mid ah qalliimada dhif iyo naadirka ah ee guulaystay maadaama culimada caafimaadku sheegaan in 1-kii Milyan ee qalliinkan oo kale ah lagu guulaysto mid ka mid ah oo kali ah.

Zaynab iyo Jannat Raxmaan muddodii ay noolaayeen waxa ay la kulmeen dhibaato weyn maadaama ay meel xasaasi ah isaga dhegsanaayeen oo ah laabta waxaana dhacday in waalidkood ugu dambayn go’aan ku gaadhaan in ay la beegsadaan qalliin lagu kala gooyo.

Waxa ay ahaayeen kuwo caafimaad qaba sida kale oo aan ka ahayn dhibaatada ay leedahay laba qof oo xubnahoodii kale oo dhammi u kala qaybsan yihiin balse laabta uun isaga dhegsan halka xubnaha uur-ku jirta ah sida sambabada ay isaga dhegsanaayeen.

Kadib talooyin ay dhakhaatiirtu ku bixiyeen in ay labadan ubad ah kala goynayaan ayay waalidka dhalay Zaynab iyo Jannat iyana dhinacooda ku taageereen taladii dhakhaatiirta.

Hooyada dhashay labadan hablood ee Mataanaha ah oo lagu magacaabo Nursery Nurse ayaa iyada oo aad u faraxsan ayaa iyada oo qisada hablaheedan ka sheekaynaysay waxa ay tidhi: “Wax Kastaa waxa ay u muuqdeen wax aan aniga I farxad galinayn. Hase yeeshee wax waliba markii dambe waxa ay u dhaceen sidii aan rajaynayay aadbaanan ugu faraxsanahay sida qalliinkaasi wakhtigaa u guulaystay”.

Kooxda Dhakhaatiirta ah ee Qalliinkan sameeyey waxa ay sheegeen in markii labadan hablood la qalayay qalliinkoodu qaatay muddo Afar Saacadood oo xidhiidh ah iyada oo ay qalliinkaasi fulineen 20 dhakhtar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here