Ilmo 12 Maalmood Oo Kali Ah Jiray Haddana Ku Guulaystay Abaal Marin Qaali Ah Iyo Sababta Loo Siiyay Jaa’isaddan

0
28
Lawadaag Asxaabta...

Mar kasta oo aad daalacato shabakadaha baahiya wararka layaabka leh waxa aad arkaysaa arrin aad la yaabto ama aad u qaadan waydo sida uu u dhacay balse in badan oo ka mid ahi xaqiiqooyin ku salaysan yihiin. tani waxa ay ka mid noqotay mucjisooyinka muddooyinkii ugu dambeeyey ay warbaahintu warinaysay kadib markii ilmo yar oo ku soo dhashay Ilko la siiyay abaal marin.

Jasmin oo ah hooyada dhashay Isla-Rose Heasman ayaa sheegtay in aanay marnaba filaynin in ay gabdheeda yar ee imika uun dhalatay dhakhtar ilko u gaysto iyadoo sidaas u da’yar. Way iga geesisanayd, mana aanay ooyin markii iliga laga bixinayay ayay tidhi, hooyada gabadhaas yar oo warbaahinta la hadlaysay. Isbitaalka ilkaha ee The Seven Trees Dental Access Centre oo Britain ku yaalla ayaa sheegay in Isla-Rose ay tahay “bukaankii ugu da’yaraa” ee waligood soo mara. Carruurta intooda badan waxay ilkuhu ugu soo baxaan lix bilood iyo wixii ka weyn, kuwana iyaga oo ilaa afar billood jira, kuwa kalana sannad ka dib. Waxaa lagu sharfay oo la siiyay abaal marin geesinimo ah. “Bannaanka ayaan u baxay aniga oo ooyaya mana rabin in aan arko gabadhayda oo xannuun la ooyaysa! “Way ila fool xumaatay markii iligii laga saaray,” ayay sii raacisay.

Ururka dhakhaatiirta ilkaha Britain ee BDA ayaa sheegay in 2,000 oo ilmood ay ku dhasheen ilko dawaco. Ilkahaas badankoodu way dabacsan yihiin, maadaama oo ciridka ilmihu aanu si fiican u korin oo jilicsan yahay. Bare sare Damien Walmsley oo ka tirsan BDA ayaa sheegay in xaaladaha noocaas ah ay keeni karaan dhibaatooyin dhanka naas nuujinta ah, in carabka ilmaha uu wax yeelo ama iligaasi uu baxo oo galo sambabka ilmaha. Si kastaba ha ahaatee waa naadir in arrimahaasi ay dhacaan. Si kastaba ilmihii waxa la gudoonsiiyey abaal marin uu dhakhtarkaasi u gartay isaga oo ku ammaanay geesnimo maadaama aanu ilmahaasi yari ooyin markii iliga laga saarayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here