Huteelkii Ugu Waynaa Ee Biyaha Hoostiisa Laga Dhiso Oo Laga Hir Gelinayo Dubai

0
266
Lawadaag Asxaabta...

Shirkad ku takhasustay dhismaha Huteelada Casriga ah oo dunida laga yaqaan ayaa ku dhawaaqday in ay Imaaradda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ka hir gelinayso Huteel casri ah oo noqon doona kii ugu ballaadhnaa ee laga hir geliyo biyaha hoostiisa.

Huteelkaasi oo qorshihiisa la dhammeeyey dhawaana la binayn doono ayaa lagu magacaabaa Water Discos Hotel oo noqon doona Huteel gabi ahaanba laga dhex bineeyo biyaha badda hoostooda. Masuul shirkaddan u hadlay ayaa sheegay in huteelkan la bilaabi doono badhtamaha sannadkan dhismihiisuna qaadan doono muddo shan sanadood.

warbixintan oo Wargeyska Foore idiin soo turjumay ayaa waxa ay sheegaysaa in Shirkadda maal-gelinta iyo kobcinta dhaqaalaha ee Imaaradda Dubai oo iyadu iska leh huteelkan ayaa qorshaynaysa sidii loo bilaabi lahaa dhismaha huteelkan oo la filayo marka uu dhammaado shan sano kadib in uu noqon doono mid sannadkiiba soo dhaweeya oo qaabila ugu yaraan saddex milyan oo dalxiise oo isaga kala yimaad daafaha dunida. Injineerada huteelkan dhisaya ayaa dhammeeyey dhammaan qaab dhismeedkii injineernimo ee huteelkan.

Waxa uu huteelkani yeelan doonaa qolal hurdo, kuwo fadhi, kuwo shirarka lagu galo oo dhammaantood ay ku dahaadhan tahay quraarad si waafi ah looga dhex arkayo dhammaanba noolaha badda ku hoos jira sida kalluunada kala duwan. Miisaaniyadda ku baxaysa huteelkan ayaa lagu sheegay 440 milyan oo dirhamka Imaaraadka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here