Huteel Sharci Ka Dhigay In Uu Macaamiishiisa Ugu Adeegi Doono Sida Ay U Kala Qurux Badan Yihiin!!

0
130
Lawadaag Asxaabta...

Huteel laga cunteeyo oo ku yaalla caasimadda wadanka Faransiiska ee Paris ayaa muran badan ka dhaliyey guud ahaan Mujtamaca wadanka Faransiiska iyo dunidaba kadib markii Huteelkaasi oo ka mid ah kuwa loogu jecel yahay Faransiisku uu sharci cusub ka soo saaray adeega uu u fidiyo macaamiishiisa, kaasi oo dhigaya in hadba sida ay u kala qurux badan yihiin muuqaal ahaan macaamiishu ay u heli doonaan adeegyo kala sarreeya oo kala duwan.

Tusaale ahaan dadka quruxda badan in Huteelku siin doono adeeg ah in uu ku soo dhaweeyo goobta huteelka ugu quruxda badan ee dhinaca badda iyo muuqaalka taawarka Evil oo ka muuqdo halka dadka muuqooda iska dhexdhexaadka yahay ay ka fadhiisan doonaan goobaha gulucda ah ee Huteelka cidhifyadiisa ee aan u furnayn bannaanka huteelka iyo goobaha qurxoon.

Ra’iisa wasaaraha wadanka Faransiiska oo arrinka huteelkan muranka badan dhaliyey wax laga waydiiyey todobaadkan ayaa sheegay in ay baadhis ku samayn doonaan sida arrinkaasi u dhacay iyada oo guddi sharci yaqaano ah xukuumadda Faransiisku u saartay shuruucda cusub ee Huteelkani ku soo rogay macaamiishiisa iyada oo dad badani ka cabanayaan in uu ula dhaqmay si fool xun oo takoor ah maadaama adeegayaasha huteelkani dadka ugu shaqaynayaan una kala jeclaysanayaan sida ay macaamiisha Huteelkan timaad u kala qurux badan yihiin. Dadka Faransiiska oo la sheego in ay yihiin dadka adduunka ugu dhuudhuuban ee muuqaalka jidhkooda aad u ilaasha ayay xad dhaaf noqonaysaa iyo ka badbadin arrimaha la xidhiidha muuqaalka guud ee dadka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here