Hurdadii Madaxda Carbeed!- W/Q: Sh. C/raxmaan Bashiir, W/T: Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase)

0
262

Waxa ay I waydiiyeen sababta madaxda carbeed ugu dhex luloodaan (Gam’aan) shirar madaxeedyada Carbeed ee ay isugu yimaaddaan. Waxaan leeyahay: “Hurdadu waxa ay daliil cad u tahay jidhka oo daal badani ku yimaaddo oo u baahda nasasho. Wakhtiga hurdada ee qofku hurdo u baahan yahay cilmiyan waa habeenka, waxaana u daliil ah Qur’aankeenna Kariimka ah oo innoogu tilmaamay aayado dhawr ah. Ilaahay waxa uu qur’aankiisa ku yidhi: “Waxaanu Habeenka idiinka dhignay mid Hu’ ah”, mar kale Aayad ayaa ahayd: “Waxaanu Hurdadiina ka yeelnay mid aan ku nasataan oo aad raaxo ku heshaan”. Laakiin maalintu waxa ay leedahay shaqo jidheed iyo nololeed. Ilaahay SWT waxa uu qur’aankiisa ku yidhi: “Waxaanu Maalinka idiinka yeelnay Mid aad ku shaqaysataan (Macaashtaan)”.

Kuwani (Madaxda Carabta) waxa ay ku dhex seexdeen wakhtigii shaqada ee maalinta ahayd maxaa yeelay ma seexdaan wakhtiga ay nasan lahaayeen ee seexan lahaayeen. Nafahoodana ma siiyaan raaxo nafsi ah iyo mid jidheed toona. Miyaanay wax lala yaabo ahayn in nin Madaxweyne ahi shir-madaxeed ku dhex seexdo.

Kani waa Madaxweynaha Tuuniisiya Essebsi, oo maxaanu ugu dhex seexanayn shirka maadaama uu yahay nin da’diisu 90-jir tahay?!, Waxa marka horeba khalad ah in uu halkan joogo, goobta ku habboonayd waxa ay ahayd in uu Cisbitaalka Guud yaallo iyo goobaha lagu daryeelo dadka da’da ah. Mana ahayn in isagoo kale ay daryeel ka sugaan dawlado iyo shucuubta carbeed.

Waxa ay ku dhex seexdaan shir-weynayaasha, waxa ka mid ahaa mid shirka ku dhex seexday isaga iyo wasiirkiisiiba, waa kuwii Jabuuti ka socday, maxaa yeelay waxa ay ogyihiin in aanay faa’iido lahayn dhagaysiga khudbadaha ay isu jeedinayaan. Hogaamiyayaasha carbeed ee wakhtigani waxa ay yidhaahdaan wax aanay samaynayn. Wax cusub ma hayaan sidii caadada u ahayd, sababta oo ah maba aha dad marka horeba samayn kara arrimo cusub oo kedis ah!.

Ma aha kuwo doodo adag ka gala waaqaca dhabta ah ee siyaasiga ah ee hor yaalla. Sidaa darteed sidii caadada u ahayd waa ay iska dhex seexanayaan shirka. Madaxdan carbeed waa kuwo da’ ah oo gaboobay. Goobtii ku habboonayd maaha goobtani ee waxa ay u baahnaayeen guryaha lagu xanaaneeyo dadka da’da ah ee gaboobay ee u baahan ilaalinta gaarka ah iyo daryeelka joogtada ah. Waxa ay dhammaantood dhaafeen da’dii ku habboonayd in qofku ku shaqeeyo. Caqligii shaqayn lahaa baa joogsaday. Jidhkii waa uu talax gabay oo dhaqdhaqaaqii ku habboonaa ma leh. Iyada oo ay dhammaan taasi jirto haddana waa kuwan imanaya ee soo xaadiraya shir-madaxeedyada waaweyn iyaga oo aan qajilaad iyo jixinjix lahayn, Waa kuwaa dhex seexday!!.

Maxaa daciifka ka dhigay madaxda carbeed?, “Waa ay cunaan waanay seexdaan. Waxa ay ku socdaan mar walba gawaadhi casri ah oo raaxo. Waxa ay fadhiyaan wakhtigooda oo dhan xafiisyo waaweyn oo raaxo ah, waxaanay si xisaab la’aan ah u cabbaan qaxwaha. Waxa ay cunaan timir badan. Sidaasi ayuu jidhkoodii u noqday mid buuran caqligoodiina u yaraaday miisaan ahaan. Jidh aan dhaqdhaqaaq samaynayn oo aan xarako lahayni waa mid caajis ah oo liita. Caajiskuna waa ka keenaya hurdada iyo in qofku seexdo. Laakiin hurdadu waa laba nooc. Mid caafimaad ah iyo mid cudur ah. Tan caafimaadka ahi waa mid wakhtigeeda ku xidhan balse tan dambe ee xanuunka ahi waa mid caajisnimada iyo daalka ku timid.

Dalalkan galbeedka waxaan ku arkaa marka ay madaxdoodu shirarka isugu imanayaan iyaga oo dhaqdhaqaaq badani ka muuqdo miiska wada hadalka. Gacan qaad diirran iyo firfircooni aan kala joogsi lahayn. Firfircooni caqli ah oo aan isgaagayn. Khudbado iyo go’aamo aan daal lahayn. Khudbado culus oo ay madaxda isku timaad u akhriyaan si aan cabsi lahayn. Halkan galbeedka kulamadu waa kuwo shaqo iyo wax soo saar, halka shirarka Carabtu ka yihiin dalxiis iyo hurdo, sidaa darteed qof shaqo diyaar u ahi ma seexdo ama ma luloodo waxaanay hurdada, caajiska iyo lulmadu u timaaddaa qof aan shaqo hayn.

Waxa ay I waydiiyaan maxay Hogaamiyayaasha Carbeed waraaqaha uga akhriyaan qoraal far waaweyn ku qoran”, waxaan ugu jawaabaa: “Carabtu waxba ma akhriyaan, haddii ay akhriyaana ma fahmaan, wajiyadan gaboobay waxba ma akhriyaan. Waligaa ma aragtay Madaxweyne Carbeed oo buug ka qoray xusuus qorkiisa?. Ma aragtay Madaxweyne Carbeed oo wakhtigan wax ku qora ama maqaal ku leh Majallad weyn oo la yaqaan?. Boqorka Sucuudigu awood uma laha in uu akhriyo weedh hadal ah oo isku xidhan oo macno samayn karta oo ka kooban shan kelmadood. Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al Siisi awood uma laha in uu akhriyo kelmado kooban oo Luuqaddii Faseexa ahayd ee Carbeed ah. Waxa wax loogu qoraa kelmado far waaweyn ku xardhan. Kelmad kasta waxa loogu sameeyaa xarako sida Kor dhaw, Hoos dhow iyo Godaal. Waa Jidh bilaa ruux ah”.

“Dhinacan reer Galbeedka qofku marka uu ardayga yahay ee uu dhiganayo kulliyadaha daraasaadka siyaasadda waxa uu akhriyaa oo ku tababartaa khudbadaha Madaxda. Waxaanan arkay dad badan oo reer Galbeed ah oo muhiimad weyn siinaya khudbadaha Erdogan, Jamaal Cabdinaasir, Anwar Al Saadaat, Boqor Xasanka Labaad, Najmuddiin Arbakaan, laakiin ardaydeenu maxay ka bartaan kuuliyadaha daraasaadka siyaasadda?, Xaqiiqanimo waxba oo aan ka ahayn sheeko baralay”.

Waxa ay I waydiiyaan sababta uu Xoghayaha guud ee Carabtu u toosin waayo qofka ku dhex seexda shirka? Waxaan ugu jawaabaa: “Masuuliyadda Xoghayaha guud ee Jaamacaddu carabtu waa in uu diyaariyo goob ku habboon hurdo fiican. Kuraasida goobta shirku waa in ay noqdaan kuwo raaxo leh oo ku habboon nasashada, Maya shaqo, tani waa shaqo aad u culus, sidoo kale shaqooyinkiisa waxa ka mid ah in goobta shirku noqoto mid leh hawo ku filan oo lagu nafisi karo oo aan ahayn goob shaqo culus lagu qaban karo. Ma awoodaan madaxda shirka ka soo qayb galaysaa in ay u dhaq-dhaqaaqaan meel kale. Waxa ay awood layaab leh u leeyihiin in ay fadhiyaan kaliya, sidaas darteed waa in ay helaan deegaan ku habboon xaaladdaasi.

Way ku daysay Jaamacadda Carabtu!, iftiin soo muuqdaana ma jiro!. Waxa ay shaacisay geerideeda markii ay ka tagtay risaaladdii ay u taagnayd, muhiimaddeedii qawmiyadeed. Run buu sheegay ninkii qoray (Nabad-galyo Carabnimooy!), waxaana kaba sii fiican in ciwaan looga dhigo (Nabadgalyo Jaamacaddii Carabtaay). Raalli ahaw Cibriyeey, mar kale raalli noqo dhalanteedow!!.

W/T: Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase)

E-mail: Maxamadkhadar@gmail.com

Cell Phone: 063-4402360

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here