Heshiis Cusub Oo Itoobiya Iyo Soomaaliya Ku Dhex Maray Addis Ababa Oo Saamayn Xun Ku Yeelan Kara Somaliland Iyo Qodobada Muqdisho Sida Weyn Ugu Sacabka Tuntay

0
106
Lawadaag Asxaabta...

Addis Ababa, Sept 01, 2018- (Foore)- Kulan gaar ah oo maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Addis Ababa uga socday Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa gabagabadiisii war-murtiyeed laga soo saaray oo ay faafisay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maamulka Farmaajo waxa ay ku sheegeen in Itoobiya kor u qaadayso meeqaamkii wada shaqayneed ee ay la lahayd dawladda Soomaaliya.

Heshiiskani oo ka duwanaa kuwii hore ayaa waxa uu u dhexeeyay dowladaha Somalia iyo Ethiopia, kaasi oo la sheegay in lagu xoojinayo xidhiidhka labada dal. Heshiiska oo u dhexeeyay Wasaaradaha arrimaha dibadda Somalia iyo Ethiopia ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaana lagu xusay in leyska kaashanayo Xidhiidhka Iskaashiga, Siyaasada, Horumarka, Biyaha iyo qodobo kale.

Qoraal Heshiiska lagaga hadlayay oo lagu soo daabacay barta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay muhiimadda heshiiska labo geesoodka ahi uu u leeyahay labadooda dal.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maamulka Muqdisho Ayaa U Qornaa sidan:-

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yagleelay markii ugu horreysay taariikhda Guddi wadaag ah oo iskaashi ah si loogu sal-dhigo xidhiidh iskaashi oo sal adag, kaasi oo ku qotoma xushmad is dhaafsi, daris wanaag, ilaalinta iyo xushmeynta madax banaanida iyo midnimada si siman labada dalba. Sida uu u dhignaa qiraalkani.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo la xidhiidha iskaashiga laba geesoodka ee dhinacyada ammaanka, dhaqaallaha, biyaha iyo qodobo kale oo la xidhiidha xaaladda gobolka iyo dunida.

Dhismaha Guddiga Wadaagga ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah si loo dhaqaajiyo xidhiidhka laba geesoodka ee labada dal ee deriska ah si loo horumariyo, loona agaasimo qorshayaal horumarineed oo cusub oo faa’iido ugu jirto labada dal.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa heshiisyo lagu xoojinayo labada dal ku kala saxiixday Magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa.

Dhinaca kale haddaba, Muddooyinkii ugu dambeeyay tan iyo markii uu talada dalka Itoobiya la wareegay Abiye Axmed waxa soo baxaya xogo sheegaya in maamulka Itoobiya ee cusubi si weyn ula dhacsan yahay dawladda Soomaaliya oo uu hoos u dhigayo meeqaamkii ay Itoobiya siin jirtay Somaliland iyo qaabkii ay sidoo kale Itoobiya ula macaamili jirtay maamullada dalkaasi Soomaaliya sida Puntland iyo Ismaamul Goboleedyada kale waxaanu si cad u sheegay Abiy Axmed in uu qaddarin doono wax uu ug uyeedhay ilaalinta Midnimada Soomaaliya oo uu ula jeedo in uu si cad wax kasta oo Soomaalida khuseeya uu ugala macaamili doono Maamulkaasi Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here