Heerka Musuqa Ee Wasaaradda Maaliyadda Oo Xadhkaha Goostay Iyo Wasiirka Oo Shaqadii Ka Fadhiisiyey Ninkii Hore Musuqa Ugu Soo Xidhay Wakhtigii Kastamka Kalabaydh

0
97
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, June 4, 2018- (Foore)- Aqoonyahan Shaafici ayaa waxa uu warbixin uu xalay u soo diray wargeyska Foore kuna baahiyey sidoo kale Shabakadadaha Wararka ee Online-ka ah oo ay ka mid tahay shabakadda Hadhwanaagnews oo aannu ka xoo xiganay waxa uu kaga hadlay xaaladaha musuq ee wasaaradda Maaliyadda oo uu sheegay in ay noqotay goob hantida umadda lagu lunsado iyo tallaabooyin layaab leh oo uu qaaday Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi oo uu isagu shaqada ka fadhiisiyay masuulkii u qaabilsanaa wasaaradda dhinaca Hanti dhawrka gudaha (Internal Audit).
Warbixinta Aqoonyahan Shaafici uu ku baahiyey shabakadda Hadhwanaagnews ayaa waxa ay u dhignayd sidan: “Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo Ah Hay’adda ugu mihiimsan ee haddiii ay si fiican u Shaqayso laga dheehan karro guusha uu dal gaadho ayaa mudadii uu xilka Hayey Wasiirka Wakhtigan Yuusuf Maxamed Cabdi noqoto goob lagu lunsado Hantida ummadda iyo sidoo kale weel lagu musuqo hanti badan oo qaranku lahaa, Kaas oo xadhkaha goostay dhawr kii bilood ee u danbeeyey oo uu wasiir Yuusuf ku guulaystay xarumaha dakhliga gaysto asxaabtiisii ay Kastamada ka wada shaqayn jireen iyo kuwii buuga Jaamacadda ee wakhtigii qalinjabinta u qoray”.
“Sidoo kale Si uu U lunsado hantid Bulshadda ayaa Waxa uu albaabada u laabay Xafiiskisii Hantidhawrka gudaha (Internal Audit), Kaas isla markaana Shaqadii Ka fadhiisiyey Madaxii Xafiiskaasi oo isagu ahaa Masuulkii Musuqa kusoo xidhay Wasiir Yusuf wakhtigii Kastamka Kalabaydh uu ka ahaa Ku xigeenka.
Dhinaca kale Waaxda Hanti-dhawrka Gudaha oo ay ka hawlgalaan in ka badan 35 Shaqaale ahi ayaan iyana wax shaqo ah qabanin muddadii uu joogay Wasiir Yuusuf, Kaas oo sida la sheegay Sas ka qaba Marka xafiiskaaasi magaciisa la soo hadal qaado”.
Qalinkii: Aqoonyahan Shaafici.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here