Haweenayda Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Oo Sababo La Xidhiidha Somaliland Darteed Loogu Diiday Fiisaha Maraykanka

0
220

London (Foore)- Xaalad waji-gabax ah ayaa soo food saartay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee waddanka Ingiriiska Boris Jonhson kadib markii haweenayda ay isku cindan yihiin loo diiday dal-ku-galka waddanka Maraykanka.

Sida uu ku soo warramayo wargeyska Daily Mail oo ka mid ah wargeysyada ugu magaca weyn adduunka ee ka soo baxa waddanka Ingiriisku, Carrie Simoondis oo 31 Jir ah ayaa Maraykanku u diiday gabi ahaanba in ay dalkooda soo gasho kadib markii ay dalbatay dal-kugalka waddanka Maraykanka oo ay u tagi lahayd shaqo la xidhiidha arrimaha deegaanka oo ay kala shaqayso Urur deegaanka ka hawl gala oo fadhigiisu yahay waddanka Maraykanka, codsigaasi dalku-galka ah oo Masuuliyiinta Maraykanku diideen.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn sababta dhabta ah ee Carrie Simoondis loogu diiday fiisaha waddanka Maraykanka haddana wargeyska Daily Mail ee arrintan wax ka qoray waxa uu ku sheegay in haweenaydani sannadkii 2018 ay safar ku tagtay wax uu wargeysku ugu yeedhay Bariga Afrika oo ah gobol dagaalo sokeeye ragaadiyeen.

Wargeyska Daily Mail waxa uu warbixintiisan ku sheegay in Carrie Simoondis oo ah gabadha ahy isku lammaan yihiin Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Ingiriiska Borris Jonhson ay sannadkii 2018 booqasho ku tagtay Somaliland iyada oo safarkaasi ku wehelisa gabadh ay saaxiibo yihiin oo lagu magacaabo Nimco Cali oo ah gabadh u dhalatay Somaliland balse haysata dhalashada Britain oo ah haweenay la dagaalanta Gudniinta Gabdhaha.

Wargeyska Daily Mail oo sii wata warbixintiisani waxa uu xusay in Carrie Simoondis iyo Nimco Cali markii ay Somaliland tageen sannadkii 2018 ay kulan la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyaga oo kala hadlay arrimo la xidhiidha haweenka iyo sidoo kale wax ka qabashada deegaanka gaar ahaan wasakhowga badda.

Mudadii ay Carrie Simoondis iyo Nimco Cali ku sugnaayeen Somaliland oo ahayd muddo shan maalmood ah waxa ay booqasho ku tageen goobo ay ka mid yihiin Berbera, Xeebta Batalaale, Deegaanka dalxiiska ku habboon ee leh aasarta qadiimiga ah ee Laasgeel iyo goobo kale.

“UK waxay kamid tahay dalal kooban oo xidhiidh dublomaasiyadeed la leh Somaliland, waxaanay kamid tahay dalalka Somaliland kala shaqeeya dhismaha nabadda, dimuquraadiyadda iyo maamul wanaagga” ayuu yidhi wargeyska Daily Mail ee arrintan wax ka qoray.

Sidoo kale wargaysku waxa uu xusay in Maraykanku sannadkii 2016 Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland uu ku daray dalal ay mamnuuc tahay in ay u safraan dadkiisu ama iyagu usoo safraan oo ay ka mid yihiin Iiraan, Suudaan, Suuriya, Afgaanistaan iyo kuwo kale.

Carrie Simoondis ayaan ka war bixin warqad ay u qortay safaaradda Maraykanka ee London sidoo kale Aqalka xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee 10 Downing Street ayaan isna arrinkan wax hadal ah ka soo saarin.

Lingaxan hoose Ka Daalaco Warbixinta Daily Mail:

https://www.dailymail.co.uk/news/article-7376789/Boris-Johnsons-partner-Carrie-Symonds-refused-visitors-visa-2018-trip-Somaliland.html

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here