Haweenay Wasiir Ka Ah Xukuumadda Somaliland Oo Wax Laga Waydiiyey Siday U Maareyso Hawsha Hooyonimo Ee Gurigeeda Iyo Xilka Wasiirnimo

0
169
Lawadaag Asxaabta...

Hargaysa (Foore)- Wasiirka Wasaaradda Shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaanni ayaa ka hadashay hankeeda siyaasadeed iyo shareecada Islaamku waxay u jidaysay haweenka Muslimiinta ah waxaanay sheegtay in ay tahay hooyo Muslim ah oo aan dhaafi karin xayn-daabka Islaamku u jideeyay.

Waxaa kale oo ay ka hadashay socdaal ay ku tagtay gobolada bari ee Somaliland iyo waxyaabaha ay ku soo aragtay iyo baahiyaha nololeed ee ka jira dadkii xooluhu ka bexeen ee la xidhiidha arrimaha bulshada iyo sida ay ku waafajiso hooyanimada iyo xilka qaran ee ay umadda u hayso.

Wasiir Hinda oo waraysi gaar ah siisay Wariye Saciid Faarax Cagjar oo ka tirsan wargayska Dawan,waxaa kale oo ay ka hadashay shaqo la’aanta dhallinyarada Somaliland iyo waxyaabaha uga qorshaysan ee lagaga bixi karo iyo hannaanka ajaanibka dalka ka shaqeeya lagu keeni karo, waxaanay digniin u dirtay shirkadaha dalka ka hawl gala ee ajaanibka soo shaqaaleysiiyey.

Waraysigaas oo aad u xiiso badan ayaa u dhacay sidan.”,

S.Wasiir, waxa aad nooga warrantaa ujeedka socdaalka aad ku tagtay Magaalada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag?

J: Socdaalkaygu waxa uu ahaa inaan gaadho madasha nabadaynta ee beelaha walaalaha ah ee lagu qabtay Ceel-afweyn oo aan ku sugnaan dhawr caano maal waxa ay ila noqotay in aanan noqo ilaa aan gaadho xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo si aan u ogaado habsami u socodka hawlaha qaran ee wasaarad ahaan uga wakiil tahay .

S.Waxa jira qoysas ku barakacay abaartii ka dhacday gobolada Sanaag ,Sool iyo Saraar halkee ayey ku danbaysay noloshii qoysaskaasi?

J: arrimaha barakaca waxa shaqo ku leh ha’yadda barakacayaasha , annaga waxa uu xil naga saaran yahay nolosha ay ku sugan yihiin carruurta iyo haweenku markaa carruurta noloshoodu aad bay u hoosaysaa oo iskuulo ma haystaan imika marka aan kasoo qaado jiidda aan marayey Gar-adag duleedkeeda barakacayaal baa deggan ,Ceel-afweyn agteedana barakacayaal baa deggan iyo ceerigaabo sokadeeda intaas oo dhan dugsi ku yaal maan arkayn , goobaha hooyada iyo dhallaanka oo ku yaal maan arkayn iyo baraago ku yaal toona inkasta oo aanan gaadhiga ka degin haddana odoroska guud maan arkayn baahiyaha aasaasiga ah oo kumu muuqan. S: goboladda bari ma leeyihiin meelo lagu xannaaneeyo caruurta darbi jiifka ah ?

J: May ma jiraan , Ceerigooba gudaheeda ayaa waxa ka jirta hal xarun oo agoomaha ah Sheekh Ina Cali Geedi ayaa gacanta ku hayey siday ii sheegeen dadka deegaanku waxa aan rabay inaan tago balse fasax ayey ku maqnaayeen dadka ka shaqeeya waxa ay ii sheegeen inuu dayac badani jiro sababtoo ah waxaa laga caawin jiray oo quudintooda masuul ka ahayd iyo noloshoodaba dawladda Qadar , dawladda Qadarna waa inagii siyaasad ahaan isku dhacnay marka waxay ii sheegeen in looga uruuriyo ganacsatada magaalada calaa qof hal doolar oo halka doolar uu quutul maalin u qaato oo uu masaarif u helo , Gobolka Soolna xarun agoomeed baa ka jirta laakiin waxa gacanta ku haya dad shacab ah , Caawa(xalay) waxaan ku suganahay magaalada Burco iyada oo sababta aan ugu hakaday ay tahay in aan soo eego xarunta darbi jiifka ah oo nin xildhibaan ahi gacanta ku hayo wasaaradduna masuuliyadeeda ay leedahay marka aan rabay inaan soo eego qaabka ay u shaqayso ,caruurta ku sugan tirada ay leeg yihiin iyo sida ay tahay markaa insha ALLAH aroorta (saaka) ayaan soo eegayaa , guud ahaan Gebilay iyo Hargeysa ayey ugu badan yihiin xarumaha lagu hayo caruuraha , agoon ha noqoto ama darbi jiif S: Waxa aad tahay Wasiirka shaqo gelinta Somaliland dhallinyaro aad u waxay ka cabanayaan camal la’aan , maxaad qorshe u haysaa ?

J: Su’aal Fiican weeye , marka ugu horaysa innagu waxaynu nahay Somaliland Waanad dareemi kartaa awoodeedu waxa ay tahay , dhaqaalaha ugu faro badan ee dawladdeenu cashuurta ka heli jirtay waxa uu ahaa xoolaha nool , xoolihiina way dhammaadeen , markaan ka baxay gobolka Togdheer ilaa gobolka Sanaag xoolaha aan ku arkay kun neef ma dhamma goobo tirsan ayaanan ku arkay ujeedada aan ka leeyahay waxa weeye shaqaalayntu waxa ay u baahantahay dhaqaale , dalku shidaal ma laha , wershado malaha , xoolihii noolaa way dhammaadeen intii yarayd ee soo hadhay way istaagtya oo cid inaga iibsatay ma jirto , macdanteena dihin daboolka lagama qaadin oo way xidhan tahay marka waxaas oo dhan laysku daro waxa muuqata caddadka aynu u baahannahay iyo dhaqaalaha aynu haysanaa kolayba inaanay is daboolayn , Madaxweynaha qaranku wakhtigii uu olalaha ku jiray wuxuu ballan qaaday sannadkii in lix iyo toban kun la shaqaalaysiin doono oo dhallinyarada Somaliland ah , hasa yeeshe waxa la yidhaahdaa Muraadka xamar muraayad baa ka xigta waxaa soo kordhay colaado runtii aan lagu talo galin , dalkuna wuxu galay xaalad difaac miisaaniyaddii qarankuna waxa ay noqotay in qaranka lagu difaaco sidaa darteed maanu gaadhin halka aanu doonayno balse waxa noo qorshaysan in aanu tiro la taaban karo aanu shaqaalaysiino marka laga bilaabo marka aanu madaxweynaha la wadaagno wixii kasoo baxay tiro koobkii shaqaalaha .

S: Wasiir, Waxaa jira dad ajaanib ah oo haya shaqo ay qaban karaan dadka dalka u dhashay arrintaa wasaarad ahaan maxaa idinka meel yaal?

J: Waa Su’aal fiican , laba arrin ayey labaduba jiraan sida aad wada ogtihiin Somalilander badan ayaa dalka debedda kaga maqan dhammantood way shaqeeyaan oo waddamada ay joogan way ka shaqeeyan iyada oo dadkii dalkaa u dhashay ay joogan hasa yeeshee waxaan marnaba suurta geli karin in qof keensado shaqada uu qaban karo qofka muwaadinka ah taa canaanteeda ma laha ajaanibtu ee waxa leh shirkadaha iyo ha’yaddaha keensada iyaga waxan leeyahay dadkiina shaqo geliya , annaga wasaarad ahaan waxa nooga qorshaynsan inaan ogolaan qof ajaanib ah oo qabanaya shaqo uu qaban karo qof waddani ahi , qofka imika la keena waxa aan waraysi kaga qaadnaa sababta loo keenayo haddii uu noqdo mid hawshii loo keenayay aan waddanka laga hayn waxaanu amarnaa in qofka muwaadin lagu tababaro si uu farsamada uga barto berina uu dalka u anfaco S: Wasiir, sidee u aragtaa kootada Madaxweynuhu u xidhay haweenka iyo dadka la hayb soco?

J.Madaxweynaha waan uga mahadcelinayaa waxan leeyahay ALLE haku xafido waa madaxweynihii kowaad ee u qoondeeyey in dawladdaha hoose iyo barlamaanka ka qayb qaatan annaguna waan ku olalaynay oo madaxweynaha waxa aan warbixin ka siiyey inuu fuliyo ballan qaadkii Xisbigu ku olaleeyey xilligii doorashada sida oo kale waxa aanu u olalaynay in wasiiradda dhigayaga ahi noo codeeyan si ay habluhu u helaan kootada S: Wasiir, waxa aad tahay qof haween ah oo qaranka xil u haysa , gurigeedana xil baad ka haysa labadaa shaqo sideed u kala maraysaa?

J.Runtii waxa aan u kala mareeya awoodda uu ILLAHAY i siiyey , gurigaygana waxba igagama dayacmaan , carruurta qaar waa arday qaarna waa shaqaale oo way shaqeeyan Odayguna ma joogo oo Imaaradka ayuu jiraa Alxamdulilaaha waan isku wataa oo waxna igama dayacmaan

S: Marwo Wasiir , hankaaga siyaasadeed halkee ayuu gaadhsiisan yahay ? Walahay haddii ay diintu u ogolaan lahayd oo dastuurka Somaliland u ogolaan lahaa in ay haweenku Madaxweyne noqdaan , waxa aan isku soo taagi lahaa jagada Madaxweyne.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here