Haweenay Wasiir Ah Oo Cisbitaal Ku Tagtay Baaskiil Si Ay Ugu Soo Umusho Iyo Ujeedada Ay Ka Lahayd

0
361
Lawadaag Asxaabta...

Wellington (Foore)- Haweenay Wasiir ka ah waddanka New Zealand oo lagu magacaabo Julie Anne Genter ayaa si ay Cisbitaalka ugu soo umusho waxa ay ku tagtay baaskiil ay iyadu gacanteeda ku kaxaysatay halkaaso oo ay markii dambe ku umushay.

Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Haweenka ee dalkaasi New Zealand Julie Anne Genter oo muddoba xaamilo ahayd ayaa dunida soo jiidatay kadib markii ay fooshu qabatay oo ay iyada oo aan is dhibin baaskiil u kaxaysatay Cisbitaalkii ay doonaysay in ay ku umusho.

Sida uu ku soo warramayo Wargeyska New York Times oo arrinkan xiisaha leh wax ka qoray Wargeyska Foorena idiinka soo turjumay, Haweenaydan Wasiirka ah ayaa si ay haweenka ugu dhiirri geliso in ay u adkaystaan xaaladda foosha sidoo kalena jimicsiga ku dadaalaan xaalad walba waxa ay Cisbitaalka u kaxaysatay baaskiilkeeda iyada oo ku guda jirta saacadihii ugu dambeeyey ee ay ku dhali lahayd waxaanay si bed-qab ah ku tagtay Cisbitaalkii halkaasi oo ay saacado kadib ku umushay.

Wasiir Julie Anne Genter oo markii dambe sawiro kula gashay afaafka hore ee Cisbitaalka saygeeda oo isaga laftiisu baaskiil kale watay isla markaaba garab socday haweenaydiisa ayaa waxa ay barteeda xidhiidhka Bulshada ee Twitter ku soo qortay “Subax Axad ah Oo Qurux Badan” maadaama qisadani dhacday Axaddii aan soo dhaafnay.

“Waxaan haweenka ku dhiirri gelinayaa in ay Baaskiil kaxeeyaan ama ugu yaraan jimicsi fudud sameeyaan si ay ugu dhib yaraato dhalmadu” ayay tidhi Wasiir Julie Anne Genter oo warbaahinta la hadlaysay.

Wasiir Julie Anne Genter ayaa ah haweenay 38 jir ah kana mid ah Golaha wasiirrada ee dalkaasi kuwooda ugu shaqada badan ee dadku aad u jecel yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here