Haweenay 24 Sanadood Jabhadda ONLF Ka Tirsanayd Ugu Dambayna Imika Qoyskeedii La Midowday

0
54
Lawadaag Asxaabta...

Jigjiga, October 13, 2018- (Foore)- Tan iyo markii baarlamaanka Itoobiya uu xayiraaddii ka qaaday ururrada mucaaradka ee dalkaasi oo ay ka mid ahayd jabhadda hubeysan ee ONLF, ayaa waxaa billowday in hogaamiyayaasha ururradaasi ay dib dalkooda ugu soo laabtaan ka dib tobannaan sano oo ay dibadda ku noolaayeen.

Dadka dib Itoobiya ugu soo laabtay waxaa ka mid ah Cambaro Aw Axmed, Madaxa Arrimaha Haweenka iyo Carruurta ee ONLF oo in kabadan 20 sano dibadda ku noolayd. Maqnaanshaheeda iyo jabhadnimadeedu waxaa Jeel ku muteystay seygeedii iyo toddoba carruur ah oo ay dhashay.

“Ninkaygu habeenba nafis ma arkin, sidii loo rafaadinayay ee qawda loogu hayay ee loo xidhayay ayuu markii dambe rafaadkii ku dhintay” ayay tidhi Marwo Cambaro oo dib u milicsanaysa wixii soo maray qoyskeeda. “Silic buu adduunka ku dhamaystay dalkana waa laga wada ogyahay” ayay intaas ku dartay.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in ay laamaha ammaanka ee dalka Itoobiya gaysteen dhibaatooyin baaxad leh isla markaasna dad badan lagu dhibaateeyay xabsiga. Dawladda Itoobiya ayaase mar kasta diidi jirtay in laamaha ammaanku ay dhibaatooyin gaystaan. Balse xukuumadda cusub ee dalka Itoobiya ka dhalatay ayaa aqbashay in dhibaatooyin baaxad leh ay dhaceen. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaase sheegay in tuulo kasta oo dalka Itoobiya ku taalla ay laamaha ammaanku tacaddi ugu gayteen dad shacab ah.

Dadkaasna waxaa ka mid ah qoyska iyo carruurta Cambaro oo eersaday in ay ONLF ka mid ahayd, sida ay sheegtay. Hooyo Cambaro ayaa sheegtay in xataa laba gabdhood oo yaryar oo ay dhashay saqdhexe gaadhi lagu qaaday oo xero milatari lagu xidhay, balse qof aanay magaciisa sheegin oo maamulka ka mid ahi uu sii daayay.

“Abaalkiisa anoon gudin in aan dhinto ayaan ka yaabi sharaf iyo cisi Allaha siiyee” ayay tidhi.

Iyada oo waraysi gaar ah siinaysa BBC ayaa Cambaro la waydiiyay waxa ay soo kordhisay wakhtigaas dheer ee ay ku hawlanayd arrimaha jabhadda ONLF waxaanay tidhi: “Magac iyo aqoonsi aanu waddan kani lahayn ayaan soo kordhinay” calanka ONLF-na shanta qaaradood ayuu ka babbanayaa” ayay hadalkeeda ku soo gunaanaday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here