Halkan Ka Daalaco Sawirrada Iyo Tiradda Wasiiradda Uu Maanta Madaxweyne Biixi Xilka Ka Qaaday Iyo Tuhunka Qaar Ka Mid Ah Oo Waajahi Doona Maxkamad Musuq Maasuq

0
180

Hargeysa(Foore) – Wareegto Maanta kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuurriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Xilka looga qaaday Wasiiro iyo Agaasimayaal katirsanaa Xukuumaddiisa, kuwaasi oo qaarkood loo haysto falal la xadhiidha Eedo Musuq Maasuq.

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-286/032019, uu Xilka qaaday, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo) Wasiirkii Warfaafinta, Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle Wasiirkii Wasaaradda Gaashaandhigga, Maxamed Muuse Abees Wasiir Ku-xigeenkii Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqankan iyo Agaasimayaasha kala ah Jamaal Cabdilaahi Muxumed, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga. Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka. Cabdikariim Xuseen Siciid, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah Wasiirada Iyo Agaasimayaasha maanta xilka laga qaaday Xafiiska Hanti Dhowrka Somaliland uu kusoo eedeeyay Musuq maasuq, waxaana soo baxaya tuhun laga qabo inay Masuuliyiintani Maxkamad waajahayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here