Haddii Aad Jacaylka U Haysatay Nooc Kali Ah Wax Ka Baro Lix Nooc Oo Ka Mid Ah Jacaylada

0
278
Lawadaag Asxaabta...

Jacaylku sidiisaba ma aha kaliya kan gabadhu u qaado wiil gayaankeed ah ama wiilku gabadh u qaado balse waa mid intaa ka noocyo badan. Ereyga Jacayl marka uu dhagahaaga soo gaadho waxa aad markaaba sawirataa mid gaar ah oo dhex mara lammaane lab iyo dhedig ah ah. Aan soo qaadano dhawr nooc oo ka mid ah jacaylka qofku qaadi karo, waxaanay kala yihiin:

  1. Jacayl Dhab Ah:- Waa Jacaylka aayatiinkiisu noqdo guur iyo mustaqbal dhab ah oo ay lamaanaha is jeceli wadaagaan, Rabbina ku guuleeyo lagana sal gaadho. Kaaasi waa Jaceylka magaca dhabta ah sita ee ku yimaada in la wada hadhsado oo midhihiisa labada is jeceli wadaagaan
  2. Jacayl Gaaban:- Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata, damaciisuna yahay dareen jidheed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaasi uu jiitamo ilaa damacii qofku lahaa uu gaadho, kuna dhammaada marka damacaasi isna himiladiisa gaadho ama ku guul darraysto. Kan waxa aynu ku tilmaami karnaa mid dhalanteed ah oo dhallinta maanta dunida ku nooli ku baaba’aan.
  3. Jacayl-Danaysi:– Waa jacayl ku xidhan dan, noocii ay doonto dantu ha ahaatee sida dan dhaqaale iyo wax u dhigma oo ruuxa beenta loogu sheegayo in la jecel yahay oo dartiisa meel walba loogu dhacayo, kaasina waa damac gaaban oo aan meel gaadhsiisneyn.
  4. Jacayl Xushmadeed: Waa Jacaylka uu jeclaado qofku qof kale isaga oo ku jeclaanaya in qofkaasi ka mudan yahay xushmad iyo qadarin.
  5. Jacayl Socod Wadaag:– Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada ah mar walba kula wadaago socod, la joogis iyo sheeko aad wadaagtaan oo aad iska jeceshahay inuu qofkaasi dhinacaaga mar walba ahaado. Kaasi lama odhan karo waa jaceyl lamaane guur ku iman karo balse waa mid bulsheed oo kale inta badana saaxiibtinimo ku dhisan.
  6. Jacayl Guud:- Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka, waxbarashada, hantida iwm

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here