Hadal Hayn Ka Dhalatay Sababta Ay Wadaadada Dambe Uga Muquurteen Kulankii Afurka Madaxtooyada Iyo Doorka Muuqda Ee Wadaadadii Hore!

0
97
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, June 7, 2018- (Foore)- Kadib markii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu toddobaadkan afur-wadareed ugu sameeyey qaar ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland sidoo kalena ay xubnaha la casuumay ka dhex muuqdeen Madaxweyne ku xigeennadii Somaliland soo maray (Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax & Axmed Yuusuf Yaasiin)  iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa waxa si weyn dadka siyaasadda faalleeyaa isku waydiinayay saacadihii la soo dhaafay sababta keentay in aanay kulankaasi afurka ah ee culimada ka dhex muuqan badiba wadaadada waaweyn ee dambe gaar ahaan inta badan xubnihii guddida abaaraha.

Inkasta oo uu Wasiir Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka mid ah aadna ay isugu dhaw yihiin wadaadada kulankaasi ka muquurtay uu isagu goob joog ka ahaa kulankan haddana saaxiibbadii ayaa badankoodu waxa ay aaheeyn kuwo aan kulankasi ka soo xaadirin iyada oo dadku faallooyin kala duwan ka bixiynayeen sababaha maqnaanshaha wadadaadaasi ee afur-wadareedkan. Lama oga sababta ay kooxdaasi wadaadada ahi uga dhex muuqan waayeen kulankan, iyada oo in badani is waydiinaysay suurtgalnimada in aan laba soo casuumin iyo in ay iyagu si kale uga maqnaadeen taasi oo ah arrin aan la kala ogayn waxaana maqnaanshahooda kulankani dhaliyey in doodo iyo aragtiyo kala duwan laga yeesho. Dad badan ayaa kooxdii guddida abaaraha si weyn u dhaliili jiray balse lama oga sababta xaqiiqo ahaan kulankaasi aanay badankoodu wadaadada dambe uga dhex muuqan iyada oo wadaado u badan qaadiriyadu ay kulankaasi aad uga dhex muuqdeen.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad uu ka jeediyey kulankaasi uu kooxdan culimada ah afurka ugu sameeyey waxa uu ku guubaabiyey in ay laba arrimood kala dhaqeeyaan oo isaga si gaar ah ugu mudan kuwaasi oo kala ah qabyaaladda iyo qaadka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi markii uu qodobkaasi ka hadlayay waxa uu yidhi:   “Culimada waxaan ka doonayaa inay igala hawlgalaan laba shay oo aan is leeyahay dhibaatooyinka jira oo dhan Hooyo ayey u yihiin, midi waa Qabyaaladda, dhibaatada ugu weyn ee dadku isku dilayaan ee dagaalkan beeluhu usoo noqnoqnayo qabyaaladda ayaa abuurta, waayo dadkii baa dhulkii Ilaahay ina wada dejiyey ayaa qabiil lagu kala sheeganayaa. Dhibaatada labaad waa Qaadka, isna waa Hooyada labaad, marfash baa la isugu yimaaddaa, Ilaahay lagama yaabo, la iskuma waaniyo, marka hawsha qaadka la bilaabayona gabayadii lixdankii baa la keenaa, ka yar ee dhegaystaana waxa uu ku ababaa colaadda iyo belaayadaa reernimo ee gabayadii hore ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here