Gudidii Dabagalka Hantida Qaranka Ee Dhawaan Soo Bandhigay Maalaayiinka Lacagta Ah Ee Ay Lunsatay Xukuumaddii Siilaanyo Oo Khilaaf Laga Dhex Abuuray Iyo Gudoomiyahooda Oo Hadlay

0
76
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 18, 2018- (Foore)- Khilaaf kala qaybiyay ayaa laga dhex abuuray Gudida Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladda Somaliland kuwaasi oo dhawaan soo bandhigay Maalaayiin lacag ah oo ay Lunsatay sanadkii 2016-kii Xukuumaddii hore ee Siilaanyo, arintan ayaa soo shaac baxday kadib markii uu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladdu Baashe Maxamed Faarax  raaligalin ka bixiya Qaybo ka mid ah Warbixintaasi Gudidu samaysay,islamarkaana uu isasoo agfadhiisiyay Laba ka mid ah Gudidaasi,waxaanay taasi keenay inuu shalay Shir jaraa’id oo uu qabtay Gudoomiyaha Gudidaadi Nasir Cali Shire ku naqdiyo Hadalka Baashe islamarkaana uu su’aal galiyay Labada Xubnood ee agfadhiyay oo ka tirsan Gudidiisa,isagoo sheegay inaanay cidna warbixintaasi wax ka badeli Karin. Haddaba Xildhibaan Naasir Cali Shire oo Waraysi Khaas ah siiyay Wariye Badri Koosaar oo ka tirsan Eryal Tv ayaa ka hadlay raaligalinta uu ka bixiyay Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax qaybo ka mid ah Warbixintii ay soo saareen ee ku saabsanaa Musuq maasuqii ay ku kacday Xukuumaddii Siilaanyo ayaa waxa uu yidhi“Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax runtii waa nin guddoomiye u ah golaha Wakiiladda, waxaanu iga mudan yahay qadarin, laakiin marka aan ka eego dhinaca sharciyadda mar kasta Goluhu hadii uu Warbixino soo diyaariyo ama uu Warbixino soo diyaariyo oo  cod loo qaado wuxuu noqdaa Go’aan Gole, Go’aankaas Gole Cid xaq u leh oo baabiin kartaa ma jirto,Waayo Guddoomiyuhu waxa uu xaq u leeyahay inta ay hawshaasi socoto wax ka bedel iyo ra’yi ayuu ku leeyahay, laakiin mar hadii gacanta loo taago waa arrin golihii ka soo baxay oo dhamaaday, Markaa waxaan halkan ka cadaynayaa Baashe arrintii uu Maalintii Dhaweyd ku dhawaaqay marka loo eego Sharciyadda Golaha Waa Waxba Kama jiraan”.

Waxa kale oo uu yidhi: “Dhinaca kalena Saaxiibaddaydii ila shaqaynayay ee labadii Xildhibaan ee iyaguna shaashada kasoo baxay ee Gudoomiyaha agfadhiyay Anagu ka Gudi ahaan waxaanu isla qaadanay, Baadhis ayaan soo galnay,Muddo ayay socotay, Hawlbaan wadnay ,Dabadeedna Go’aan ayaan soo saarnay oo Warbixin ayaan qornay, Warbixintaasi aanu qornay oo ahaan Runtii Xisaab Xidhkii 2016-kii, iyo talooyin aanu soo jeedinay oo ahaa sideebaa wax looga badeli karaa Xisaab xidhada soo socda,Saaxiibadaydaasi way illa qaateen, Gudi ahaanna Warqaddii u dambaysay oo wakhti kasta aan cadayn u hayo way saxeexeen labada Xildhibaanba,oo ah warbixintaasi inay tahay tii Ugu dambaysay (Final), markaa iyagana halkaasi ayaan ka sheegayaa inuu arinkaasi sidaasi ahaa laakiin waxa ku dhacay iyo waxa ay uga noqdeen hala waydiiyo”.

Sidoo kale waxa uu yidhi: “Anigu waxaan si cad oo xaqiiqo ah u sheegayaa arimaha aan soo bandhignay arimo cad oo qoraal leh,waxaan umadda tusay Foojaro,Magacyaddii lacagta lagu qaatay iyo magacyadii qaatay,iyo shaqooyinkii laga rabay inay fuliyaan,Waana marag ma doonto,Waxaa kale oo aanu warbaahinta soo hordhigayaa warqadii uu qoray Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Cali Mareexaan, ee uu kaga hadlayay Arinta Laynka BIlayska, waxaan hore u sheegay inaanay Gudidiani marka hore bartilmaameedsanayn Cali Mareexaan haseyeeshee waxaa nala gashay arintii ku saabsanayd Jeelka Burco,Markaa illaa Hadda waxaan ku adkaysanaynaa Cid kasta oo Shuruucda dalka taqaanaana ay garan karaysaa,wixii Gudidu soo bandhigtay oo qoraal ah inaan Qaybinay oo maanta Daafaha Somaliland ay wada yaalaan iyagoo qoraal ah oo war bixintayaddii waa la qaatay,oo markii Xildhinaanadda loo qaybiyay meel kasta way gaadheen, Waxaana arintan nagala shaqeeyay oo baadhista nagala shaqeeyay oo runtii aan ugu mahadnaqayaa hanti dhawraha guud ee Qaranka iyo Xisaabiyaha Guud”. Ugu dambayn waxa uu yidhi: “Inkasta oo imika Magaaladda lala wareegayo Naasir Cali Shire Gudoomiyenimada waa laga badelayaa,gudidana waa laga qaadayaa,Anigu waxaan halkan umadda Reer Somaliland u iftiiminayaa inaan intii aan Golaha Wakiiladda kujiray aan laba gudi soo maray,Gudida Dhaqaalaha iyo gudidan hadda aan Gudoomiyaha u ahay,gudi walba Xubin fir fircoon ayaan ka noqonayaa, Gudi kasta oo Golaha la geeyana waxaan diyaar u ahay inaan Qarankayga iyo dadkayga u shaqeeyo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here