Guddoomiyihii Hore Ee Baarlamanka Kenya Oo Ku Baaqay In Madaxweynaha Kililka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar Jigjiga Lagu Dhex Daldalo

0
357
Lawadaag Asxaabta...

Nairobi, August 06, 2018- (Foore)- Guddoomiyihii hore ee Aqlabiyadda Baarlamanka Kenya Mudane Faarax Macalin Dawaar ayaa ereyo aad u layaab badan xukuumadda waddanka Itoobiya ugu baaqay in la dilo Madaxweynaha Kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya Md. Cabdi Maxamuud Cumar oo uu ku baaqay in Jigjiga dhexdeeda lagu daldalo.

Siyaasiga hadalka cad ee inta badan lagu yaqaano inuu si saraaxad leh u hadlo Soomaalida Kenya Mudane Faarax Macallin Dawaar ayaa si kulul u weearay Madaxweynaha dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), oo hadda xaalad adag ku sugan kadib kacdoonada iyo dhaqdhaqaaqada ka socda dalkaasi Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dorraad ka baxay Jigjiga kaddib markii ay ciidamada Federal-ka dalka Itoobiya gudaha u soo galeen magaalada kaddibna la wareegeen xarumihii dowladda sida Baarlamaanka iyo Madaxtoyada. Arrintaasi oo dhalisay kacdoon shacab oo gilgilay Caasimadda Jigjiga iyada oo ay dadku jidadka ku mudaaharaadeen kaddiba gubeen Kaniisado, iyo goobo ganacsi oo ay ku jiraan Bangiyada Oromadu.

Hase ahaatee, siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan meel kasta oo ay joogaan ayaa dareenno kala duwan ka bixiyey dhacdadaas waxaana ka mid ah Faarax Macallin oo ah siyaasi Soomaali Kenyaan ah oo aad loo yaqaano.

Faarax Macallin waxa uu boggiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku bogaadinayo falka dowladda dhexe ee Itoobiya qaaday dorraad, isaga oo ku baaqay in gudaha magaalada meel fagaare ah lagu dal dalo Cabdi Maxamuud Cumar, Madaxweynaha Kililka shanaad.

“Kawaanlaha Jigjiga waa in uu maalin ku yeeshaa Maxkamadda. Waxaan rejeynayaa in ay ku daldalaan badhtamaha Jigjiga si ay farriin xoog leh ugu noqoto kuwa laga yaabo in ay ku tacadiyaan bani aadamka. Waxa uu sababay in maxaabiistu ay saxaradooda cunaan halka uu kuwo bandanna ay gaajo u dhinteen. Dr Abiy muddo badan ayuu sugayey in uu Iley iyo xulafadiisa cadaaladda horkeenno.” Sidaasi ayuu Faarax Macalin ku qoray bartiisa Twitterka oo ku qornayd Luuqadda Ingiriisida.

Siyaasi Faarax Macalin ayaa ah siyaasi inta badan aad u dhaliili jiray siyaasadda Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ku maamulo Kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here