Guddoomiye Xigeenkii 1aad Ee Xisbiga UCID Cabdinasir Buuni Oo Iscasilay, Eedayn Culusna U Jeediyay Guddoomiyaha Xisbigaasi Faysal Cali

0
87

Hargeysa, January 14, 2019- (Foore)- Gudoomiye Xigeenkii koowaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdinasir Muxumed Xasan Buuni ayaa xilkii iyo Xubinimadii Xisbigaasi Iska casilay, waxa uu sheegay in lagu cabudhiyay Fikirkiisa Siyaasiga ah isagoo sidoo kalena sheegay in Xisbigii UCID noqday meel nin gaar ahi leeyahay cidii ka fikir duwanaatana dhinac laga wada marayo, waxa kale oo uu nidar ku galay inuu dagaal la gali doono inuu sii jiro Xisbi shaqsi keli ah ku shaqaysto oo lagu garaaco Xisbi kale oo dhiggiisa ah, isagoo balan qaaday inuu Xisbiga WADDANI Iyo Madaxweynaha Somaliland kulansiin doono.

Gudoomiye Buuni oo Shallay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi“Dalkan Somaliland Culaysyo badan ayaa ka jira, Doorashooyinkii oo dib u dhacay ayaa jira, Xisbiyaddii oo inuu Qof leeyahay qaarkood inay u ekaatay ayaa muuqata,Mawaaqiftii Siyaasiga ahayd ee dalkan lagu badbaadinayay markaad qaadatana Waxaa muuqanaysa in Geeska lagu galiyo, Markaa Xilkii Gudoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Xisbiga UCID hadda ayaan iska casilay, Barina (Maanta) Faah faahino dheeri ah ayaan bixin doonaa, Waxaan amaanayaa Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo dalkan Taariikh ku leh, laakiin dadka ku xeerani aanay u saamaxaynin inuu dalkan meel gaadhsiiyo, dee maalinba Cidbaa Xisbigan ka tagi jirtay ana maanta ayaan Xisbiga UCID ka tagay, Xisbiyadduna way badan yihiin”

Waxa kale oo uu yidhi“Aabahay iyo adeerkay ayaa dalkan taariikh ku lahaa, ku daawanmayno in la yidhaa doorkan reer Awdal 13-haku galaan Doorashada Wakiiladda oo Gudiyo inta lasoo samaysto marka aanu aaraadayada ka dhiibano la yidhaa idinkuma waafaqsanin, Markaanu nidhaa waar Xisbiga WADDANI 40% ayuu helee haloo tudho oo hala wada hadlo in la yidhaa Meelo kale ayuu u hanqal taagayaa oo ajandayaal kale ayuu leeyahay Dee sharaftaydu ku xumaan mayso wiixi Muxumed Xasan Buuni iyo Cabdi Xasan Buuni ay dhiseen in maanta ay ashkhaasi ay dumiso  kama yeelayno, Madaxweynaha si shakhsi ay ayaan ugu tagayaa, waxaan kasoo shaqayn doonaa sidii ugu deg degga badan ee ay isaga iyo Xisbiga WADDANI ay jilbaha isku dhigi lahaayeen, ku dhex jir dambe iyo Xisbi dambe oo lagu shaqaysto oo WADDANI lagu garaacaanna walaahi inaanu jiri doonin,oo waanu bad baadinaynaa Somaliland”.

Ugu Dambayn waxa uu yidhi“Maxaa loo leeyahay ajande aan Somaliland ahayn ayuu WADDANI leeyahay, waa xisbi 40%  helee?, Kulmiye Xurmo ayuu u hayaa WADDANI Mar walbana waxa uu yidhaahdaa waanu idinku ixtiraamaynaa go’aankiinna, Laakiin aniga Gudoomiyahaygu(Faysal)  haddii uu qaatay inuu Shaanbad ku dhufto WADDANI aniga oo ku xiga, dee damiirkayagu ima siinayo oo khayaano ku kici maayee waan ka tagay Xisbigii UCID”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here