Guddoomiye Saleebaan Gaal Oo Intii Uu Joogay Baabi’iyay Haybaddii Uu Golaha Guurtidu Qaranka Ku Lahaa Iyo Qaylo Dhaanta Yeedhaysa Oo Aan Doorkii Guurtida Laga Dhex Arkayn

0
100
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, September 10, 2018- (Foore)- Tan iyo intii golaha guurtida Somaliland sannadkii 2004 loo doortay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan waxa gabi ahaanba meesha ka baxayay doorkii shariifka ahaa ee Golaha Guurtidu ka qaadan jirtay nabadaynta, dhexdhexaadinta khilaafaadka ka dhex qarxa beelaha Somaliland iyo guud ahaanba go’aamada masiiriga ah ee qarankani ku tallaabsan karo iyada oo wakhtigan Golaha Guurtidu marayo heerkii ugu hooseeyey wakhti muddooyinkii ugu dambeeyey ay soo noq-noqdaan dagaalo-beeleedyada iyo khilaafaadka deegaamadu gaar ahaan Gobolada Bari ee Somaliland.

Warbixin uu Wargeyska Foore arrintan ka diyaariyay waxa ay tibaaxaysaa in Golaha Guurtida Somaliland oo soo maray Maraaxil kala duwan laguna xasuusto udub-dhexaadkii ay u ahaayeen dhismaha qaranka Somaliland iyo sidii ay uga soo shaqeeyeen daminta dagaaladii sokeeye ee Somaliland la kawsatay horraantii sannadihii sagaashamaadkii iyo sidii ay uga qayb qaateen dhismihii haykalka dawladnimo ee dalka ayaa waxa inta badan golahaasi ka baxay odayaashii sama-taliska ahaa ee ku suntanaa guulaha Golahaasi qarankan u soo hooyey taa baddalkeedana ay golaha yimaaddeen rag dhallinyaro u badan oo dhaxal ku yimid kuraasta ay odayaashaasi qaarkood banneeyeen.

Marka laga yimaad inta badan haldoorka odayaasha meesha ka baxay ee Guurtida waxa Hoos u dhaca layaabka leh ee ku yimid doorkii iyo miisaankii Golahani qaranka ku lahaa loo aaneeyaa in ay qayb ka tahay doorashadii uu sannadkii 2004 ku yimid Guddoomiye Saleebaan iyo waliba xukuumadihii Rayaale iyo tii KULMIYE ee Axmed Siilaanyo oo meeqaamkii Golahan si weyn u naafayeeyey kana dhigay mid siyaasi ah oo mar walba danaha xukuumadda joogta uun ku shaqeeya balse aan lahayn doonis iyo itijaah ay ku meel mariyaan danaha qaranka.

Golaha Guurtida Somaliland oo ay ku sii daba yar yihiin odayaasha sama-taliska ahi ayaa waxa ay ku fashilmeen gabi ahaanba in ay sannadihii ugu dambeeyey wax la taaban karo ka qabtaan colaadaha soo noq-noqda ee dhex mara beelaha walaalaha ah ee Somaliland oo ay ugu dambaysay tii Ceel-Afweyn oo markii Xukuumad iyo Gole Guurtiba waxba ka qaban kari waayeen ay koox odayaal ah iyo wadaado ahi gacan ka gaysteen sidii loo damin lahaa colaaddaasi halka Saleebaan Maxamuud Aadan ka noqday oday inta badan arrimihiisu u janjeedhaan dhinaca siyaasadda maadaama uu ahaa oday iyo aqoonyahan siyaasi ah oo aan haba yaraatee wax shuqul ah ku lahayn odaynimo dhaqan oo samo-talis ah, ahna nin aan u fara dhudhuubaan dhinaca nabadaynta beelaha. Waxa kale oo iyana meesha taalla in mudadii uu xilka hayay Guddoomiye Saleebaan aanu dalkaba ku hakan isaga oo u dhaxeeya Somaliland iyo Ingiriiska oo ay degan yihiin qoyskiisu.

Maqnaanshaha doorkii Golaha Guurtida oo ah aqalka sare ee Baarlamanku waa ka Somaliland gayaysiiyey Madaxtooyo aan cidi dabrin, kana haybaysan Gole sare oo Baarlamaan oo ah halkii dheelli tiri lahayd dawladnimada, maadaama golayaasha qaranku is dhammays tiraan (Check and Balance), waa ka dalkeena ku keenay in beelihii kala fogaadaan, colaaddu sii korodho oo jilib jilib la isku qabsado sidoo kalena umaddii kala raacdo siyaasi dhuuni raac ah oo danta caamka ah ka hor mariya danta kursiga.

Waxa arrin layaab leh noqday wakhti toddobaadkan Gobolka Sool ay isku dileen laba beelood oo walaalo ahi dhimasho iyo dhaawac badana ay is gaadhsiiyeen in Golihii Guurtida ee xalka laga sugayay ku mashquulo in uu guddi u saaro Buugii cabashada laga muujiyey ee Wasiir Guri-barwaaqo.

Waa Kuma Saleebaan Maxamuud Aadan?

Saleebaan Maxamuud Aadan inkasta oo uu wakhtigan hawlgab yahay xaaladiisa caafimaadna laga dardaar weriyo waa Siyaasi Caan ah  Muddo Dheerna ku soo jiray saaxadda Siyaasadda iyo shaqo ee Soomaaliya iyo Somalilandba. Waxbarashadiisii Sare waxa uu ku Soo qaatay Dalka Ingriis-ka Gaar ahaan  Jaamacadda  Leeds  University isagoo ku diyaariyay  Shahaadada “B.A” Taariikhda iyo Cilmiga Siyaasadda (History And Political science). Saleeban Maxamuud Aadan Shaqdiisii Ugu Horreysay Ee uu  Qabtaa waxa ay ahaydd Macalinimo isla Markaana waxa Uu soo qabtay xilal kala duwan oo dhinaca waxbarashada ah . Maamule  dugsi ayuu meelo kala Duwan kasoo noqday isaga oo sidoo kale soo Noqoday  Madaxii Manaahjita Dawladdii  Hore ee Soomaaliya. Waxa kale oo uu Somaliya ka Soo qabtay Jagooyin Wasiir ku xigeeno Ah  oo fara badan oo ay ka Mid ahaayeen , wasaaradda Tacliinta, Qorshaynta Qaran-ka iyo Kaluumaysigu.

Saleebaan Maxamuud Aadan waxa  kale oo uu ka mid ahaa Raggii ka qayb qaatay  Aasaas-kii Urur-kii SNM isagoo ahaa Raggii Joogay Gudaha Soomaaliya oo Si Dadban oo Siyaasiyana u Fuliyay Hawlo Badan oo SNM uga qabsoomay Gudaha Soomaaliya wakhtigii Halganka. Oday Saleeban Maxamuud Aaden waxa uu si Toosa ah  Ugu biiray Urur-ka SNM  Sannad-kii 1990-kii  isagoo Markaa Noqoday Xoghayihii Arrimaha Dibadda Ee SNM.

Dawladdii ugu Horeysay markii Somaliland xornimadeeda la soo noqoaty ee uu gadh-wadeenka ka ahaa Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) waxa uu ka soo noqday Wasiir-ka Arrimaha Gudaha Ee Somaliland. Mar kale Ayuu  Dawladdii  Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ee lagu Soo Dhisay Boorame ka Noqoday  Wasiir-ka waxbarshada  iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland.  Waxa kale oo uu Noqoday  mar kale Sanaddii 1995-kii  Wasiir-ka Maaliyadda.  Waxa uu mar kale Dawladdii Maxamed Ibraahim Cigaal ka noqday Wasiir-ka Arrimaha Dibaddda iyo qorshaynta Qaran-ka oo xiligaa Wasaaradd kaliya isku ahaa.

Saleeban Maxamuud Aaden waxa uu Noqoday Musharax  Madaxweyne Sanaddii 1997-kii Xilligaas oo Uu la tartamay Marxuum Maxamed xaaji ibraahim Cigaal balse uu ku guul darraystay inkasta oo uu kaalinta labaad galay. In muddo ah oo uu Mucaaradad xooggan kala hor yimid Marxuum Cigaal. Furitaankii ururrada siyaasiga ah ee dalka, Saleebaan waxa uu aasaasay urur siyaasadeedkii ASAD oo ku hadhay doorashadii ugu horraysay ee 2003 loogu soo baxayay xisbinimada waxaanu ku biiray xisbigii UDUB. Sannadkii 2004 ayuu ka mid noqday Golaha Guurtida kadib markii uu jagada xildhibaanimo u banneeyey xildhibaan Maxamed Diiriye Faarax ay isku beel ka soo jeedeen si uu ugu tartamo jagada Guddoomiyaha oo uu wakhtigaasi banneeyey Marxuum Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here