“Guddoomiye Florentino Perez Waxa Uu Wali Iigu Cadhoonayaa In Aan Ka Iibin Waayay Xiddiga Kylian Mbappé”..Vadim Vasilyev

0
35
Lawadaag Asxaabta...

Madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa si wayn u doonayay in uu la soo saxiixdo da’yarka sida wayn loo qiimeeyo ee xulka qaranka France ee Kylian Mbappé kaas oo koobkii aduunka wacdaro ku soo bandhigay isla markaana xulka qarankiisa France koobka aduunka kula soo guulaystay wuxuuna Perez wali ka cadhaysan yahay in aanu la soo saxiixan Kylian Mbappé. Madax wayne ku xigeenka kooxda AS Monaco ee  Vadim Vasilyev oo daawanayay finalkii UEFA Saper Cupka ee xalay dhex maray kooxaha Real madrid iyo Atletico Madrid ayaa shaaca ka qaaday in Florentino Perez uu isaga wali ugu cadhoonayo in aanu Kylian Mbappé ka iibin ka hor intii aanu ku biirin PSG.

Madax wayne ku xigeenka Monaco ee Vadim Vasilyev ayaa sheegay in Florentino Perez ay saaxiibo yihiin laakiin waxa uu cadeeyay in markasta oo ay kulmaan Perez uu ku eedeeyo in aanu ka iibin Kylian Mbappé markii uu kooxda Monaco ka tirsanaa. Madax wayne ku xigeenka kooxda AS Monaco ee Vadim Vasilyev oo la hadlayay MRC Sport ayaa soo bandhigay sida uu Perez wali isaga ugu cadhoonayo wuxuuna yidhi: “Saaxiibo ayaanu nahay, waqti kasta oo aan Florentino Perez aan arko, waxa uu markasta aniga igu eedaynayaa in aanan isaga ka iibin  Kylian Mbappé”. Florentino Perez ayaa wali ka cadhaysan in saaxiibkiisa Monaco ee Vadim Vasilyev aanu Mbappe ka iibin ka hor intii aanu aqbalin dalabkii kooxda PSG. Kooxda PSG ayaa xagaagii la soo dhaafay amaah ku qaadatay Mbappe waxayna ugu danbayn bixinaysaa 180 milyan euros oo ay xidiga ugula heshiisay Monaco.

Kylian Mbappé ayaa bartilmaameed u ahaa kooxaha ugu waa wayn Yurub wuxuua Perez doonayay in uu noqdo badalka Cristaino Ronaldo kaas oo uu markaasba dareensanaa in uu dhaafay heerkiisii ugu fiicnaa balse hadda oo uu Mbappe ka tirsan yahay PSG waxaa Madrid ku adag in ay xataa wax wada xaajood ah la gali karto maamulka PSG oo mustaqbalkii kubbada cagtooda u arka 19 sano jirkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here