Guddoomiye C/raxmaan Cirro Oo Muuse Biixi Uga Digay Dhayalsi Iyo Dhago-Adayg Uu La Yimaaddo Oo Dalka Ku Keeni Kara Burbur Iyo Fashil Dawladeed

0
74
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, September 06, 2018- (Foore)- Gudddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Ambasaddor Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa mar kale saxaafadda la wadaagay khudbad dheer oo uu diiradda ku saaray duruufaha siyaasadeed ee wakhtigan ku gedaaman Somaliland iyo gaar ahaan gol-daloolooyinka u muuqda ka xisbi ahaan ee ay ka baaqsatay in ay awdo ama gufeyso xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Muuse Biixi Cabdi oo muddooyinkii ugu dambeeyey dhaliilo badan loo soo jeedinayay.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ugu weyn Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro wuxuu ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, askarta uu kaxaystay Col. Caare, cadaaladda iyo wax wada qaybsiga umadda reer Somaliland iyo arrimo kale, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu qalinkiisu umadda ugu xaqsooro. Guddoomiye Cirro, wuxuu khudbadiisa saxaafaddda loogu tala galay oo uu dorraad ku qabtay Hargeysa waxa uu ku yidhi:

Socdaalkiisa Itoobiya

Dhawaan socdaal ayaan ku tagay Itoobiya waa dal weyn oo aynu jaar nahay waxaana ka socda isbadal weyn oo xawli ku socda oo saamayn ku leh dhamaan gobalka Geeska Afrika, waxa inagu waajib ah inaan si dhaw ula socono isbadalkaas, mudadii aan joogay Itoobiya waxaan la kulmay masuuliyiin ka tirsan xukuumada fedaraalka Itoobiya,baarlamaanka iyo diblamaasiyiinta fadhigoodu yahay Itoobiya. Waxaad la socotaan inuu isbadal ka dhacay kililka Soomaalida Itoobiya lana doortay madaxweyne cusub lana dhisay xukuumad cusub, waxaanan hanbalyaynayaa madaxweynaa kililka loo doortay mudane Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar iyo xukuumadiisa.

Xaaladda Dalka

Xukuumada Somaliland waxa saaran oo waajib dastuuri ah ku ah wax ka qabashada xaalad kasta oo nabadgalyo oo dalka soo waajahda, sida ay u maaraysana shacbiga iyo qarankuba waa uu kala xisaabtami doonaa, qaranimada, nabadgalyada iyo midnimada shacabka waxa kaliyaata oo ilaalin kara cadaalad, wada lahaansho iyo sinaansho in loogu adeego, Somaliland maanta deegaan kastaa waxa taalla tabasho weyn oo heer kasta ah oo taabanaysa adeegga bulshada haddii ay tahay caafimaad daro, biyo la’aan, shaqo la’aan iyo wado la’aan. Waxa jira tabashooyin shacab oo ah inaan loo sinayn fursadaa dhaqaalaha iyo qandaraasyada, qaybinta adeegyada dawladda, mashaariicda horumarinta iyo qaybinta darajooyinka, waxa waajib ku ah xukuumadda inay dhagaysato waxna ka qabato cabashooyinka iyo tabashooyinka shacabka ee deegaan kasta, waxaanu ka digaynaa in dhayalsiga iyo ka dhago adaygga xukuumadu ay keeni karaan Alle inaguma keenee burbur umadeed  iyo fashil dawladnimo.

Sool Iyo Sanaag

Ggobalada Bari ee Sanaag iyo Sool waxa intaas u dheer xaalad war war leh oo nabadgalyo daro, shacabka reer Sanaag iyo Sool waxaan cod dheer ugu baaqayaa inay ku faro adaygaan nabadgalyada Somaliland, waxaana xaqiiq ah inta tabasho jirto ay nabadgalyo darana ay jiri doonto, waxa hanbalyo iyo bogaadin inaga mudan gudidii soo afjartay colaada Ceel-afweyn ee isugu jiray culimada,madaxda dhaqanka iyo dadkii kale ee ka qaybgalay xasilinta deegaankaas.

Ciidamada Qaranka iyo Kornayl Caare

Ciidamada qaranku waa astaanta iyo karaamada iyo sharafta dal kastaa uu leeyahay, ciidanka qaranku waa ilaaliyaha nabadda ciidda iyo shacabka, waxa uu ka madax banaan yahay siyaasadda iyo in loo nisbeeyo reer ama beel ama xisbi.

kornayl Caare waa sarkaal sare oo magac iyo  maamuus ku leh ciidanka qaranka Somaliland dhexdiisa kana mid ahaa mujaahidiintii dalkan xoraysay muu ahayn siyaasi kamana mid ahayn asxaabta qaranka, kornayl caare waxa uu amar ka qaadanaayay taliska ciidanka qaranka Somaliland iyo xukuumadda, sida uu qalabka warbaahinta ka sheegay inuu ciidanka uga tagay cadaalad daro iyo sad bursi, kamaynu maqalin warbaahinta in taliska ciidanka qaranku Somaliland iyo xukuumadda midkoodna uu sameeyay gudi baadhiseed  oo soo xaqiijisa ama beenisa warka kornayalku sheegay, sida laga xaqiijiyay odayaasha ka soo jeeda deegaanka kornayl Caare oo u tagay madaxweynaha bishii Ramadaan waxa uu Madaxweynuu ku wargeliyay in aan lagala hadlin arinta kornaylka ee ay xukuumadu go’aan ka gaadhi doonto,sida oo kale gudidii khayrka qabtay ee xidhay isla markaasna xasilisay nabada Ceel-afweyn, waxa xukumadu ay ku warglisay in arinta Kornalay Caare ay iyadu go’aan ka gaadhi doonto, Kornalay Caare muddo ku dhaw afar bilood ayuu joogay deegaanka Ceel-afweyn isaga oo ka maqan ciidanka qaranka, xukuumada Somaliland iyo taliska ciidanka qaranku wax xal ah kamay samayn go’aana kamay gaadhin arinta kornaylka, heshiiska nabadana laguma darin oo xukuumada ayaa iska hor taagtay arinta Caarena xal waa loo heli karaayay.

Xisbiga Waddani ma qabo mana taageerayo in dagaal xabad ama jabhadayni ay tahay xalka dhibaatada maanta Somaliland haysata ee adag, ama ay xal u noqon karto tabashooyinka iyo cadaalad darooyinka laga cabanaayo, wax ka qabashada iyo xalinta arinta sarkaalkan ka tirsan ciidanka qadanka waa xilka xukuumada Somaliland iyo taliska ciidanka qaranka, xalka waxaanu u aragnaa in runta laga wada hadlo oo lays dhagaysto oo dalka arimhiisa cakiran dariiq siyaasi ah lagu xaliyo, xalka waxaanu ua ragnaa in dadweynaha dhawaaqoodu uu baxaayo ee uu dami la’yahay ee cabanaaya ee koone kasta Somaliland kaga nool in la dhagaysto cabashadooda waxana laga qabto, xal  uma aragno iyo inay arinta nabada u adeegayso in maalin kasta jeelasha laga buuxiyo dad aan cadaymo faldanbiyeed aan loo hayn,lana soo daayo iyaga oo aan maxkamad la hor keenin marka bilo lagu hayo xabsiga, xalka waxaanu u aragnaa in qaranka wada lahaanshihiisa si ficil ah loo muujiyo qalinka madaxweynuhuna uu qaranka u xaqsooro,xisiga Waddani waxa uu diyaar u u yahay kaalinkasta oo hawlaha qaranka ku aadan inuu ka qaybqaato.

Hantida la soo celinaayo

Sidaad ka war qabtaan barnaamijka siyaasiga ah ee xisbiga Waddani waxa laf dhabar u ahaa in la soo celiyo hantidii aan sifaha sharciga ah ku bixin, waxa waajib ah in soo celinta hantida markii hore qaladka lagu bixiyay loo maro dariiq sharci ah ayna noqoto arin taabata muwaadin kasta oo hanti umaddu ay leedahay ku qaatay sifo sharci aan ahayn, balse waxaanu si weyn uga digaynaa In cid gaar ah la bartilmaameedsado. Muwaadiniinta dib loogala wareegayo hantida dawlada waa in la dhawraa xquuqdooda si daah furan loola xisaabtamaa lana siiyaa waxii ay magdhaw xaq u leeyihiin.

Hanaanka Doorashada

Xisbiga Waddani waxa uu diyaar u yahay doorashooyinka golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka in xiligoodii ay ku qabsoomaan, waxase muhiim ah in la xaliyo caqabadaha soo socda doorashada ka hor, in madaxweynuu uu go’aan ka gaadho arinta saami qaybsiga kuraasida baarlamaanka in heshiis laga gaadho arinta kootada kuraasta haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay, in la dhamays tiro xeerka doorashooyinka ee isku dhafan. Ugu danbayn in la helo gudi doorasho oo haysta kalsoonida dhamaan asxaabta iyo in wax laga badalo tirada xubnaha komishanka  oo asxaabta si siman loogu qaybiyo.

Gunaanad

Shacbiga reer Somaliland waa shacabi xaruur ah oo nabad jecel ogolaan mayno in siyaasad xumada iyo bisayl la’aanta xukuumada Kulmiye degenaashiyo la’aan ay ka rido Somaliland, waxaanu samayn doonaa waxa kasta oo awoodayada ah si shacabka walaalaha ah loo adkeeyo walaaltinimadiisa, midnimadiisa iyo wada jirkiisa.

Kalmad kaftan ah

Ninbaa lagu yidhi magacaa, dabadeedna waxa uu yidhi looge, waxa lagu yidhi lagaaga fadhiyee, madaxweynaha maalin dhawayd oo uu jaamacada Hargeysa ka hadlaayay waxa uu yidhi waxaan noqonayaa oday wax maqla cadaalad ayaanan samaynayaa, waxaan leeyahay lagaaga fadhiye.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here