Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Oo Digniino Culus Soo Saaray, Si Gaar Ahna Uga Hadlay Ardayda Saddex Sano Doonaya Inay Dugsiga Sare Kaga Baxaan

0
36
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, June 7, 2018- (Foore)- Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaaad qaranka Somaliland Daa,uud Axmed Faarax ayaa digniin adag dul dhigay ardayda sannadkan u fadhiisanaysa imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada Dhexe iyo sare ee dalka.

Guddoomiye Daa’uud oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaan la aqbali doonin arday saddex sanadood ku soo dhamaystay waxbarashada dugsiga sare.

Ugu horayn gudoomiye Daa,uud oo ka hadlaya qorshaha uga yaala ardaydii ka soo booday fasaladii 8aad ee dugsiyada dhexe ayaa waxa uu yidhi “Guddi ayaanu samaynay waxaanan isla garanay oo aan waalidka iyo ardaydaba u sheegayaa in ardaygii dhamaystay afarta sanadood ee dugsiga sare hadduu rabo haka soo boodo dugsigii dhexe, waxaanu ka qaadaynaa imtixaankii dugsiga dhexe  ee fasalka 8aad laakiin haddii uu soo dhamaystay afartii dugsiga sare wuu galayaa imtixaankiisa laguna ciqaabi maayo dugsigii dhexe ayaad ka soo booday oo imtixaanka dugsiga sare gali maysid, arintaasna waanu ka soo dabacnay laakiin tii uu ka soo booday ee fasalka 8aad waa laga qaadayaa inta aanu ka dugsiga sare galin.”

Gudoomiye Daa,uud ayaa sidoo kale ka hadlay waxa laga yeelayo haddii ardaydu dhaco imtixaanka fasalka 8aad  “Haddii uu dhaco marka laga qaado imtixaanka fasalka 8aad halkuu tagayaa,  waxaanu ugu tala galnay inuu fadhiisto fasalka 3aad ee dugsiga sare, maadama oo uu sadex sanadood soo dedaalayey fasalkaas ayaanu fadhiisanaynay.”

Sidoo kale gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka shahaadiga ah ayaa meesha ka saaray inaanay imtixaan ka qaadayn arday dugsiga sare ku dhamaysatay sadex sanadood waxaanu yidhi “Waxaan ku talinayaa oo aan waalidka u sheegayaa in ardaydu haddii uu fadhiistay afarta sanadood ee dugsiga sare uu fadhiisanayo imtixaanka, laakiin waxa reeban ardayga aan dhamaysan afarta sanadood ee dugsiga sare inaanu galayn imtixaanka fasalka 4aad ee dugsiga sare, wax sadex sanadood lagu dhamaysanayo oo aanu imtixaanka qaadaynaa ma jirto.”

Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee qaranka ayaa dhawaan la filayaa n ay dalka ka qabsoomaan iyada oo arday badani sannadkan ka baxayaan dugsiyada Dhexe/Sare.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here