Guddoomiyaha WADDANI Oo Baarlamanka Ku Taageeray Inay Diideen Xaaladdii Degdegga Ahayd Ee Muuse Biixi Dalka Galinayay

0
121

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo mar dhawayd shir jaraa’id ku qabtay Guriga uu ka degan yahay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxa uu bogaadiyey go’aankii ay maanta Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamanka Somaliland ku diideen Xaaladdii Degdegga ahayd ee uu Madaxweyne Muuse Biixi doonayay in uu dalka galiyo.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa uu si weyn ugu sacab tumay Baarlamanka oo aqlabiyaddiisii maanta diidday in ay u codeeyaan Mooshinka la hor keenay ee la xidhiidha ansixinta go’aanka Madaxweynuhu ku dalbanayay in uu xaalad degdeg ah galiyo Degmooyinka Ceerigaabo, Ceel-Afweyn iyo Garadag.

Dhinaca kale Guddoomiye Cirro waxa uu Muuse Biixi ugu baaqay in uu ka noqdo go’aankaasi oo uu sheegay in aanay dani ugu jirin qaranka isaga oo sheegay in uu ahaa go’aan umadda lagu kala qaybinayo dhibaato weyna lagu abuurayo isaga oo xaaladaha Gobolada Bari ku eedeeyey in ay xukuumaddu ku fashilantay oo aanay xal ahayn xaalad degdeg ahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here