Guddoomiyaha TELESOM Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika

0
245

Hargeysa, November 17, 2018- (Foore)- Guddoomiyaha Shirkadda caanka ah ee TELESOM, Mudane Cabdikariin Maxamed Iid (CEO) ayaa ku guuleystay abaalmarinta “Hoggaamiyaha Ugu Wanaagsan Afrika” ee Hurumarinta   Isgaadhsiinta & Teknoolajiyadda.

Abaalmarintan oo 14-kii November 2018 lagaga dhawaaqay Shirweynaha AfricaCom oo ay isugu yimaadaan in ka badan tobanaan kun oo qof oo ka socda Shirkadaha Teknoolajiyadda & Isgaadhsiinta ee Caalamka oo ku qabsoomay Magaalada Cape Town ee dalka South Afrika ayaa waxa uu Mudane Cabdikariin Maxamed Iid ku guulaystay Abaalmarintaasi oo sharaf weyn u soo jiiday Geyiga Soomaalida gaar ahaan Somaliland iyo waliba guud ahaan qaaradda Afrika.

Ku dhawaaqista Abaal marintan oo muddo la sugayay tan iyo markii Bishii hore lagu dhawaaqay in Mudane Cabdikariim Maxamed Iid Guddoomiyaha Shirkadda Is-gaadhsiinta casriga ah ee TELESOM uu ku soo baxay liiska kama dambaysta ah ayaa markii la isugu yimid shaacinta Natiijada oo dhacday 14-kii Bishan waxa uu Cabdikariin Noqday ninka ugu sarreeya tartanayaashii la soo shaaciyey.

Guddoomiyaha Shirkadda caanka ah ee TELESOM, Mudane Cabdikariin Maxamed Ii doo ka warramay Abaal marintaasi caalamiga ah iyo dareenkiisa ayaa waxa uu yidhi: “Shirkan waxa la yidhaa AfricaCom waana shir sannadle ah oo lagu qabto waddanka Koonfur Afrika magaalada Cape Town. Waxa ka soo qayb gala shirkado aad iyo aad u fara badan oo dhinaca isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada ah oo dhinac walba leh ayaa ka soo qayb gala. Maanta Tiknoolajiyadu waa ta adduunka u sahlaysa in ay wax kastaaba ku xidhnaadaan oo dawladuhu ku shaqeeyaan. Waxa shirka lagaga hadlayay dhawr iyo toban qaybood oo kala gedisan. Waxa ka mid ahaa xoojinta dhallinyarada la imanaya hal-abuur ganacsiyeed oo Tiknoolajiyeed iyo dhammaan arrimihii shirkadaha tiknoolajiyaddu ay ka shaqaynayeen. Abaal marintani waxa ay nooga dhigan tahay guul weyn oo umadda Soomaaliyeed u soo hoyatay. Guul weyn oo u soo hoyatay mandaqadda aynu ku nool nahay ee Geeska Afrika. Maadaama aanay mandaqaddan ka soo bixin warar lagu afrxo oo aan wanaagsanayni in arrintan oo kale aanu ku guulaysanaa waxa ay wanaajisay oo noqotay war wanaagsan oo ka soo baxay Geeska Afrika. Waa wax lagu faani oo ah in aynu hormuud u nahay in umaddani ay nooshahay oo ay dhallinyaradu soo kacayso oo aynu horumar ka gaadhnay Tiknoolajiyadda”. Ayuu yidhi Mudane Cabdikariin Maxamed Iid Guddoomiyaha TELESOM CO.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here