Guddida Dhaqaalaha G. Wakiilada Oo Wareysi Ay La Yeesheen Maareeyaha Wakaalada Ku Sheegay Sababta Keenta Kor U Kaca Qiimaha Biyaha

0
117
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, July 19, 2018- (Foore)- Guddida Dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland iyo Mareeyaha wakaalada Biyaha Somaliland mudane Maxamed Cali Darood ayaa kulan ay ku yeesheen xarunta Golaha wakiilada ee Hargeysa waxaa ay xog is wareysi ka yeeshen sida ay u socdaan hawlaha ay wado wakaalada biyaha Magaalada Hargeysa iyo halka ay marayaan Mashaaricdii ay ka midka ahaayeen biyo balaadhinta Caasimada.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen isla markaasina ay saxaafadu dibad jog ka ahayd ayaa waxaa markii uu soo dhamaaday uga warbixiyay warbaahinta guddomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada somalilad Mudane Cumar San-weyne waxaana uu sheegay in cabashadii dad-weynahu ay u soo gudbiyeen ee ay ka mid ahayd biyo kordhintii muddada dhawayd dhacday ay ka wada hadleen masuuliyiinta wakaalada.

isaga oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxaa uu yidhi“waxyaabo badan oo ay ka mid tahay biyo soo galinta hargeysa waanu iska wareysanay waxaanan filaynaa inta aanu sanadkani dhamaan in waxyaalo badan ay qabsadaan ayaanu ka filaynaa haduu ilahay yidhaahdo sida uu noogu waramay, dadku wuxuu ka cabanaayay kordhis biyahaa la kordhiyay lakiin xaqiiqadu waxaa weeyaan dollarku markuu toddoba kun ahaa ama lix kun ahaa maantana uu maraayo labba iyo toban kun,koobka shaaha isna kor ayaa uu u kacay markaa waxaa weeyi foostada biyaha ah inta biyaha hesha dad badan ayaan biyo helinbee waxaalagu kordhiyay kun shilling,waxaan markaa u sheegayaa dad-weynaha arintii ay nooga soo dacwooden inay tahay sidaa si wacana way noola fahmeen aad iyo aadna waan ugu mahadnaqaynaa mareeyaha”ayuu yudhi

Maxamed Cali Darood Mareeyaha wakaalada biyaha Caasimada Hargeysa oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay golaha uga warbaxiyeen halka ay marayaan mashaariicaha ay gacanta ku hayaan waxaana uu yidhi “waxaanu uga waranay guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland oo ah wakiiladu cidii shacabku ay soo doorteen inay matalaan arimahoodana ay ka hadlaan kana warbixiyaan, inaanu ka hadalno mashaariicda socota ee ay wadaan hay’adaha caalamiga ah iyo qaadhan bixiyayaasha nala shaqeeyaaba halka ay marayaan xiliga ay ku dhowyahiin gaba gabo. Waa mashaariic balaadhan waa weyn wakhti badana u baahan hawl badan iyo samirna u baahan,guddida waanu uga mahad celinaynaa waxaanan uga waranay samaynta ay sixir bararka ku yeelatay kor u kaca ku yimid qiimaha shidaalka suuqyadu hawlahii ay waday wakaalada biyahu,guddida waanu uga mahad celinaynaa waxaanan diyaar u nahay sidii markasta caadada ahayd marka uu golahu noo yeedho inaanu warbixin siino oo golaha hornimaadno oo la xisaabtan iyo hawlaha aanu wadnana aanu wax ka celino diyaar ayaanu u nahay” ayuu yidhi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here