Goormaa Kuugu Dambaysay Mingiste Xayle Mariam, Sawirro Reer Itoobiya Ka Cadhoodeen Oo Laga Soo Qaaday Iyo Saadaal Sheegaysa In Uu Soo Laabanayo

0
572
Lawadaag Asxaabta...

Harare, August 04, 2018- (Foore)- Madaxweynihii hore ee Itoobiya ee Kalidii Taliyaha ahaa Mingistu Xayle Maryam ayaa si lama filaan ah uga soo muuqday sawirro uu Toddobaadkan la galay Ra’iisal Wasaarihii dhawaan xilka Madaxtinimo ee Itoobiya wareejiyey Hailemariam Desalegn kaasi oo booqasho ku tagay waddanka Zimbabwe oo uu Mingiste ku noolaa tan iyo markii xukunka dalkaasi Itoobiya laga tuuray 1991-kii. Ra’isulwasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa dalka Zimbabwe kula kulmay madaxweynihii hore ee kaligii taliyaha ahaa Mengistu Haile Mariam, kadibna sawir ay wada dhigeen ayuu soo dhigay bartiisa Facebook taasi oo cadho weyn abuurtay. Balse Mr Desalegn ayaa markii dambe ku qabsanaaday in uu sawirkii ka saaro boggiisa kadib markii uu buuq badani ka dhashay arrintaa.

Dad badan ayaa u turjuntay in Mengiste oo hore maxkamad ugu xukuntay dil toogasho ah, loona haysto in uu xad gudubyo xuquuqda bini’aadamka ka baxsan ka gaystay Itoobiya in la damacsanyahay in uu ku soo laabto Itoobiya. Hore Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy ayaa laga soo xigtay in uu cafinayo Mengistu, dalka Itoobiyana kusoo laaban doono, waxayna dadku sawirkan hadda u fahmeen in Dr Abiy uu ka warhayo kulankaasi.

Muxuu Gaystay Mengistu?

Sannadkii 2007-dii ayay maxkamad ku heshay dambiyo xuquuqda bani’aadamka ka baxsan, waxayna ku xukuntay dil isaga oo Itoobiya ka maqan. Gaim Kibreab oo ka tirsan jaamacadda South Bank University ee London oo aad wax uga qoray Mengistu ayaa sheegay in kulankaasi uu naxdin weyn yahay, xitaa xilliga Ra’isulwasaaraha nabad doonka ah, Dr Abiy.

“Mengistu waa dambiile” ayuu yidhi Mr Gaim oo BBC la hadlayay, waana fikrad dadka oo dhan ay wada qabaan. Balse ma aha markii koowaad ee uu Mengistu u soo muuqday, hore ururada mucaaradka Itoobiya ayaa sawirkiisa u isticmaalay isbedelka ka hor si ay u muujiyaan cadhada ka haysay xukunkii Itoobiya.

Sanadihii 1970-naadkii, koox saraakiil ciidan ah oo lagu magacaabo Derg ayaa afgambiyay boqor Haile Selassie. Mengista oo aan markaas aad loo aqoonin ayaa kusoo baxay hoggaanka, wuxuuna bilaabay wixii loo yaqaanay “Argagixisadda cas cas”, waxaana la dilay ku dhawaad nus malyuun qof oo xirfadlayaal iyo dad mucaarad ah isugu jiray.

Abaar dhacday sannadkii 1984-tii ayaa Itoobiya ka dhigtay dal sabool ah, waxaana ku dhintay dad gaadhaya hal milyan oo qof. Xukunkiisii ayaa dhacay sannadkii 1991-kii kadib markii ay afgambiyeen askartii jabhadda EPRDF oo ahaa kooxo mucaarad ah oo isu tagay. Mengistu oo gacan ka helaya Maraykanka ayaa tagay dalka Zimbabwe, halkaas oo saaxiibkii Robert Mugabe uu magangalyo ku siiyay wax ka badan 30 sanadood.

Dad aad u badan ayaa hadda ka cadhooday kulanka dhacay iyo suurto-galnimada in uu Itoobiya ku laabto maadaama ninka oromka ah ee dalka qabsaday is baddal aan la saadaalin karo ka wado dalkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here