“Go’aanka La Qaatay Waxa Weeyi In Cidda Soo Celisa Dagaalka Ceel Afweyn In Gacan Bir Ah Wax Lagaga Aqabto Iyo In Gacan Lawada Saaro Oo Aan Loo Aabbo Yeelin”

0
242
Lawadaag Asxaabta...

Ceel-Afweyn, July 23, 2018- (Foore)-  Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Somaliland ee Xukuumaddii UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ogaysiiyay Beelaha walaalaha ee loogu garqaadayo Ceel Afweyn in Go’aamada shirkaasi ka soo baxay ee la dul dhigi doono beelahaasi ay ka mid noqon doonaan in ciddii fulin wayda ama jabis Go’aamaddaasi in Ciqaab adag la marsiin doono,waxa uu carabka ku dhuftay inay Ciqaabtaas ay  kujirto in Gacan la wada saari doono ama la iskugu tagi doono beeshii jabisa Go’aanka ay Ergada fadhidaa soo saari doonto dhawaan.

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isaga oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“Waxaan idiin sheegayaa Go’aan ayaa soo socda,Go’aankaasi Xukuumaddi ridi mayso,Anaguna ridi mayno,Waxaa ridaaya Idinka iyo Culimadii,Go’aankaasi waxaad tidhaahdeen waanu qaadanaynaa,ee Mid ogaaada,marka labadaasi Muslimka la heshiisiiyo,cidii ka baxda in gacan la saarayo,Xukuumaddana waanu kala hadalnay,Waananu ku adkaynay,habar lamaan ayaa saddex sanadood is dilaya,Cidina inaga aqbali mayso, Go’aanka waxaa la qaatay,Cidda soo celisa dagaalka in gacan bir ah wax lagag aqabto,iyo in Gacan lawada saaro oo aan loo aabbo yeelin”.

Waxa kale oo uu yidhi“Waxaan leeyaha Beelaha isdilayaw kala guuri maysaan,kala tagi maysaan,Saddex Xaq ayaad isku leedihiin oo jaarnimo ah,Waxaad isku leedihiin Xaqii jaarnimada ee xiitaa Gaalku kugu lahaa,Waxaa kuu dheer,Tii muslminimada,oo Xaqa labaad ah,Waxaa kuu dheer tii qaraabada,Waligiin kala guuri maysaan,midda kale aniga iga dhaadhici mayso Dhawr iyo Lixdan ayaa dhintay,Boqol iyo Konton ayaa dhaawac ah,waar raggiina Salaadiinta iyo Cuqaasha lahaa ayaa kujira,oo idinku qalbigiina hagaajiya,oo carruurteenana Soo koraysa ee Mustaqbalka leh u aabba yeela,ta kale waxaa leeyahay qurbajooga,Waar ninka Biyaha Qabaw ku cabaya London,inanka yar ee Geella daba socda ee u baahan Iskuul,ee Caafimaad u baahan ee u baahan in wax loo qabto inaad tidhaahdo intaasi ayaan soo dirayaaye Dagaalka wada,waxaan idin leeyahay illaahay ka baqa”. Ayuu yidhi.

Halkan Ka Daawo Hadalka Madaxweyne ku xigeenkii Hore:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here