Geerida Sawirrada: 259 Oo Qof Ayaa Sannadihii U Dambeeyey U Dhintay Iyaga Oo Moobilada Casriga Ah sawirro Isaga Qaadaya

0
108
Lawadaag Asxaabta...

London, October 06, 2018- (Foore)- Cawaaqib xumada ka dhalata sawirrada la iska qaado ee xad dhaafka ah ee loo yaqaano (Selfie) ayaa sababay dhimashada 259 ruux intii u dhaxeysay sannadihii 2011-kii ilaa 2017-kii, sida lagu xusay daraasad la sameeyay sannadkan 2018-ka.

Cilmi baadhayaasha maktabadda qaran ee caafimaadka ee dalka Mareykanka ayaa ku taliyay in la sameeyo meelo ka caaggan in la isku sawiro, gaar ahaan goobaha halista ah, si loo yareeyo xaddiga dhimashada. Meelahan waxaa ka mid noqon doona dusha sare ee buuraha, guryaha dhaadheer iyo harooyinka, kuwaasoo ah meelaha ay dhimashooyinka ugu badan ka dhaceen.

Ku hafashada biyaha, shilalka gaadiidka iyo ka dhicitaanka meelaha sar-sare ayaa noqday kuwa sababay dhimashooyinka ugu badan ee ay la kulmeen dadka taleefannadooda u isticmaala inay isku sawiraan. Bishii Julaay ee sannadkan, wiil 19 jir ahaa oo lagu magacaabi jiray Gavin Zimmerman ayaa geeriyooday ka dib markii uu ka soo dhacay Gebi dheer oo ku yaalla gobolka New South Wales ee dalka Australia, xilli uu sawir shakhsi ah iska qaadayay. Tomer Frankfurter ayaa isaguna bishii Sibteembar xilli uu isku dayayay inuu sawir iska qaado ku dhintay beerta xayawaanaadka lagu xannaaneeyo ee Yosemite oo ku taalla gobolka California, ka dib markii uu ka soo dhacay Gebi dhererkiisu le’egyahay 250 mitir. Wararka noocan ah ee la soo tabiyay ayaa loo adeegsaday daraasadda laga soo saaray halista dhimasho ee ka timaadda sawirrada. Khubarada ayaa ogaaday in dhimashada ay sababaan sawirrada ay inteeda badan ka dhacdo dalalka Hindiya, Ruushka, Mareykanka iyo Baakistaan. Boqolkiiba toddobaatan (70%) ka mid ah dadka geeriyooday iyagoo sawir iska qaadaya ayaa ah rag, sida ay daraasaddu muujisay. Hore ayaa cilmi baadhis lagu sameeyay arrintaan lagu shaaciyay bogagga Wikipedia iyo Twitter-ka, in kastoo cilmi baadhayaasha ay sheegeen inaanay macluumaadkaasi ahayn kuwo la isku halleyn karo. Daraasaddan cusub ayaa sidoo kale muujineysa in tirada dadka u dhinta sawirka awgiis ay aad u sii badaneyso. Sannadkii 2011-kii waxaa la soo tabiyay 3 kiis oo dhimasho ah oo la xidhiidha sawirrada shakhsiga, balse tiradaas ayaa sannadkii 2016-kii kor ugu kacday 98 halka sannadkii 2017-kii ay noqotay 93. Si kastaba ha ahaatee, cilmi baadhayaasha ayaa sheegay in tirada saxda ah ee dhimashada ka dhalata sawir qaadista ay noqon karto mid intaas ka badan, maadaama aan waligeed hore loogu aqoonsannin sawirradu iney yihiin mid ka mid ah waxyaabaha ugu daran ee sababa geerida. “Waxaa la aaminsan yahay in dhimashada ka timaadda sawirrada shaksiga ahi ay yihiin kuwo aan si joogto ah loo soo tabinin, dhibka saxda ahna wuxuu u baahanyahay in xal loo helo”, ayaa lagu yidhi daraasadda.

Shilal la ogyahay oo waddooyinka uga dhacay sababo la xidhiidha sawir qaadista ayaa loo tabiyay inay yihiin shilal caadi ah oo qeyb ka ah kuwa gaadiidka. Sidaas awgeed, qiyaasta saxda ah ee dhibaatada ka dhalatay arrintaan lama garan karo, waxaana muhiim ah in la helo khasaaraha dhabta ah, sababta keentay iyo waxyaabaha horseeda inay dhimasho ka timaaddo sawirrada la iska qaado, si markaas ay u suurta gasho in fara gelin lagu sameeyo”. Hase ahaatee waxyeellada ay sababaan xayawaannada, korontada, dabka iyo hubka ayaa sidoo kale kaalin weyn uga jira dhimashooyinka laga soo tabiyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee caalamka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here