Gary Neville Oo Saddex Su’aal Oo Muhiim Ah Weydiiyay Ole Gunnar Solskjaer Kadib Guushii PSG – Sidee Ayuuse Kaga Falceliyay?

0
53

Gary Neville oo ka mid ah halyeeyada Red Devils ayaa isagoo gudanaya waajibkiisa saxafninimo wuxuu saddex su’aal oo muhiim ah weydiiyay saaxiibkiisii hore kooxda Ole Gunnar Solskjaer kadib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay sida layaabka leh Man United ugu soo baxday wareega quarter final-ka koobka Champions League.

Gary wuxuu aad ugu faraxsanaa wixii dhacay, si muuqata ayuuna saddex su’aalood oo ay dhamaan jamaahiirta Red Devils sugayeen weydiiyay, balse si caaqilnimo ah ayuu uga jawabay isagoo aan ku dawaqmin farxadda guushii uu xalay helay.

Neville wuxuu wareysi u qaadayay beIN Sport, wuxuuna weydiiyay su’aalahaan:

“Ole Gunnar, saddex su’aalood oo oo deg-deg ah ayaan kuu hayaa, Inteed jeceshahay inuu gaaro heshiiskaaga? Maxaad jeclaan laheyd inuu mushaarkaga noqdo? Halkeen taallo kaaga dhisnaa?

Ole wuxuu ka jawaabay su’aalaha isagoo si aan caadi aheyn u dhoola cadeynaya: “Habeen cajiib ah, waxaan kaliya doonayaa inaan sameeyo sida ugu fiican ilaa dhamaadka xagaaga, waana arki doonaa waxa uu noqdo go’aanka kooxda”

Gary mar kale ayuu su’aal ku celiyay isagoo ku faraxsan sida ay jawaabta Ole noqotay: “Kaliya waxey heystaan hal go’aan oo ay ka fakaraan, miyeysan aheyn”

“Waan ku maqlaa, joogtey inaad sidaas tiraahdo, caawa waan xasuusan doonaa, waa habeen cajiib ah, waxeyna aheyd habeenka ruuxiyadda Man United”

“Sidoo kale wax weyn ayey noo aheyd inaan macalinka (Fargie) halkaan ku aragno, markii ugu horreysay, wiilashana waxey qabteen shaqo aan caadi aheyn”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here