Garsoorku Wuxuu U Baahan Yahay Madax-Bannaani Iyo La Xisaabtan Shakhsi Ah, Balse Uma Baahna Isku Shaandhayn Aan Loo Meel Dayin. W/Q Abdishakur Ali Mohumed

0
84

Go’aannada noocan ah ee ay Guddida Caddaalada isku shaandhaynta ugu sameyso Garsoorku saddex arrimood oo la odhan Karo Guddidu awooddii ay Dastuurka iyo Xeerka Nidaamka Garsoorku siiyeen si sax ah uguma dhaqmayso ayaa lagala Soo bixi karaa:

1) ugu horeyn, awoodda magacaabida, dalacsiinta, derejo dhimida, bedelka iyo shaqo ka saarida Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaaliyeyaasha ee uu Dastuurku siiyey Guddida Caddaalada waa mid ay waajib tahay in Garsoore walba uu shaqo wanaagiisa, shaqo xumadiisa ama/iyo waayo-aragnimadiisa shaqo uu ku muteysan Karo in la dalacsiiyo, derejo dhimid lagu sameeyo, meel kale loo bedelo ama shaqo ka saarid lagu sameeyo. Haseyeeshee, qaabkan isku shaandhaynta ah waa mid meel ka dhac ku ah madax-bannaanidii shakhsiga ahayd ee Garsoorka, Isla markaana niyadjab ku keenayaa Garsoorka, waxaanay u muuqan kartaa in Guddidu ay Garsoorka kula dhaqmayso isku shaandhaynta Golaha Wasiirada ama xukumada, waxaanay sabab u noqonaysaa in Go’aannada noocan ah ee Guddidu ay ku dhisnaadaan nin jeclaysi, eex iyo qabyaalad iyo qaraabo-kiil.

2) Waxa kale oo ka muuqata in Guddidu aanay awooddeeda si iskumid ah ugula wada dhaqmayn Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaaliyeyaasha oo ay awooddoodii guddi ahaaneed ku kooban tahay Garsoorayaasha sababtoo ah sida muuqata awooddii magacaabida, bedelida, anshax-marinta iyo shaqo ka saarida Xeer-ilaaliyeyaasha waxay uga tanaasuleen oo ay gaar u siiyeen Xeer-ilaaliyaha Guud oo Guddida Xubin ka ah. Arrintaasi Xeer-ilaaliyeyaasha waxay ka badbaadisay in loola dhaqmo qaabkan khaldan, haseyeeshee, waa mid aan sharciga waafaqsanayn oo wiiqaysa awooddii sharciga ahayd ee Guddida, Garsooreyaashana u bahdilaysa Xafiiska Xeer-ilaalinta. Sidee Caddaalad looga sugayaa, Garsoore aan Isuguba Caddaalad helin oo sida la doono laga yeeli karo.

3) Waa wax laga xumaado in Go’aannada noocan ah ee warbaahinta la mariyo ay kamid noqoto digniin Kama dambeys ah oo Garsoore la siinayo. Sidee ay ummaddu ugu kalsoonaan kartaa Garsoore horeba loogu sheegay in uu shaqo xumo darteed KU muteystay digniin Kama dambeys ah. Dadka uu dacwaddaha u hayaa miyey khaldan yihiin hadday kula dooddaan warkaaga waanu haynaa oo annaga dacwad noo qaadi maysid? Maxayse tahay ujeeddada digniin shakhsi gaar ah u khusaysa warbaahinta loogu marinayo oo si gaar ah isaga loogu gudbin waayey? Waa sumcad dilid iyo bahdilaad Garsooreyaasha lagula kacayo, waxaanay arrintani wiiqaysaa kalsoonida uu dadweynahu ku qabo Caddaalada Garsooreyaasha.

Go’aannada noocan ah waxay koow ka yihiin sababaha kelifay in ay xadka ka baxdo tirada Garsooreyaasha iska casilay shaqada Garsoorku oo imikana maraysa meel ay xitaa Qareennadu la shaqayn Kari waayaan Garsoorka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here